Madaxweynaha DFS oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Denmark
December 18, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee dalka Denmark, H.E. Geert Aagaard Andersen.
Munaasabaddan oo ka dhacday xafiiska Madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo mas’uuliyiin kale.
Safiirka Denmark ayaa farriin uu uga waday madaxda Denmark u gudbiyey madaxweynaha isla markaana sheegay in dowladda Denmark ay ka go’antahay inay Soomaaliya kala shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda barnaamijka Dowladda Soomaaliya iyo aragtida dheer ee Madaxweynaha Soomaaliya.
no images were found
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo dowladda Denmark, sheegeyna in ka guddoomista waraaqaha aqoonsiga ay tahay astaanta koowaad ee xiriirka labada dal, Soomaaliyana ay ku dadaaleyso sidii loo sii dar-dargelin lahaa xiriirkaas.
Ugu danbeyntii Safiirka Denmark iyo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa shir jaraa’id ay si wadajir ah u wada qabteen ayey uga hadleen muhiimadda xiriirka labada dal.
– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Spokesperson to the President
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Spokesperson to the President