Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo Nairobi kula kulmay Diblomaasiyiin

December 28, 2013 - Written by Editor

2Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud  ayaa kulamo gaar gaar ah shalay iyo xalay Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin  islamarkaana  kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulamadii uu madaxda IGAD uu kula qaatay shirkii shalay ee looga hadlayey arrimaha South Sudan, waxuu sidoo kale Madaxweynaha kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ay ka midka yihiin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemarian Deselegn oo uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo collaada ka bilaabatay dalka South Sudan si looga hortago dagaal ehel ah oo ka dhaca South Sudan.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa hoyga uu ka degenyahay Nairobi ku soo booqday diblomaasiyiin beesha caaalamka ah oo uu kala hadlay xiriirka dalalkaas iyo arrimaha Soomaaliya. Diblomaasiyiintii uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ahaa Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Mareykanka ee u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Safiirka Belgium u fadhiya Kenya Bart Ouvry iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa diblomaasiyiintii uu la kulmay kala hadlay xaaladda South Sudan iyo sida ay muhiimka u tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, isagoo tusaale u soo qaadanaya arrimaha Soomaaliya oo uu sheegey haddii caalamku ay 1990kii wax ka qaban lahaayeen inuusan dalka Soomaaliya bur-bureen, isla markaana tusinayey in laga hortago collaadaha South Sudan si aysan isagu bedelin kuwo qatar u keena geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay diblomaasiyiintaas xaaladda Soomaaliya una sheegey in Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu dhowaan soo dhisayo Xukuumad ka tarjumeysa marxaladda isla markaana isbedelka soo socda uu yahay mid rajo weyn gelinaya shacabka iyo dalka oo howlaha muhiimka ah la dar-dargelin doono, sida amniga, maamul wanaaga, dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta Federaalka, fulinta dhammaan howlaha ku xusan dastuurka KMG ah si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah. Madaxweynahu waxuu ka codsaday diblomaasiyiintii uu la kulmay inay dar-dar geliyaan sanadka 2014ka kaalmada iyo saacidaada dowladda Soomaaliya si ay ugu sahlanaato Xukuumadda inay howlaheeda dardargeliso.

–       DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online