Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo la filayo in uu magacaabo Raisulwasaaraha DFS

December 12, 2013 - Written by Editor

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud1Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo in Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabi doono Raisulwasaaraha DFS waxaana haatan ka socda xafiiska Madaxweynaha tashiyadii ugu danbeeyey oo uu Madaxweynaha la qaadanayey waxgaradka kala duwan ee beelaha Daarood .

Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana dhagta loo wada taagayaa cida uu Xasan Sheekh u magacaabi doono Raisulwasaaraha DFS warar hordhac ah ayaa sheegaya in C/wali Sheekh Axmed oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Islamic Bank kana soo jeeda gobalka Gedo waloow aan wili si rasmi ah loo hubin.

Waxaa kale oo jira rag badan oo miiska saaran waxaana ka mid ah
1-Daauud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisile,)
2-Xuseen Cabdi Xalane
3-C/wali Sheekh Axmed
4-Nuuradiin Adam Diiriye
5-Cabdiwali Cilmi Goonjeex .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga wada sugayaa in uu soo magacaabo Raisulwasaaraha DFS wuxuuna heystaa mudo bil ah sida uu qeexayo Dastuurka JFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online