Madaxweynaha Dowladda Puntland oo saaka tegay degaanka Qarxis

December 13, 2013 - Written by Editor

drfarooleGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamed Faroole  iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirda ee Puntland waxaa saaka ay safar ku gaareen deegaanadii ay ku dhufteen roobabkii duufaanka waday bil ka hor. Wafdiga Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa gaaray deegaanka Qarxis si uu ugu soo kuur galo xaalada ka jirta deegaankaas maadaam dad badan ay ku cayroobeen dabaylihii ku dhuftay deegaanada ka tirsan Gobolka Bari ,Nugaal iyo Karkaar.

Wafdiga la socda Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxman Maxamed Faroole ayaa waxaa ka mid ah culimo’udinka
ku howlan gargaarka waxaa ay ku howlan yihiin in qoysas gaaray ilaa 672 ay u qaybiyaan ilaa 15 kun oo xoolo ah.

Culimo’udiinka waaweyn ee Puntland oo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa oo ay horkacayaab culimada iyo ducaada ayaa gurmad xooggan u soo fidiyey dadka dhibku gaaray ka dib  qaylo dhaan ay culimada ku nool Puntland u direen jaaliyaadka dibada kuwaas oo si deg deg ah uga soo jawaabay codsiga culimada oo ahaa in la gargaaro dadka ku cayrtoobay dabaylihi iyo duufaanadii ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.

Culimo’udiinka Puntland ayaa  iyago qaybin doona  xoolaha iyagoona u xoolo goyn doono qoysaskii ku xoolo beelay  roobabkii daylaha watay ee ku dhuftay Puntland,Goobta lagu qaybinayo xoolaha ayaa waxaa lagu casumay in ay joogaan Madaxweynaha Puntland , Golahiisa wasiirad , Issimo , Nabadoono iyo waxgarad kale.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online