Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole oo ka hadlay qaraxii Boosaaso.[Dhagayso]
December 5, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu tacsi u diray dadkii shacabka iyo ciidankii ku dhintay qarax is miidaamin ah oo kooxda Al-shabaab ay saaka ka geysteen magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu xusay in qaraxu ay ku dhinteen ilaa 7 qof ayna ku dhaawacmeen ila 37 qof isagoo qarax ku eedyeye in ay ka danbeeyaan kooxda Al-shabaab oo dhowr jeer dagaalo ay ku dhex mareen Buuraha Golis ciidanka daraawiishata Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa yiri ” waxaa laga doonayaa shacabka Puntlland in ay isku duubnaadaan lana ilaaliyo midnimada si looga hortago cadawga Puntlland shacab iyo ciidanba. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa bogaadin u soo jeediyey xarumaha caafimaad iyo ciidanka amniga Boosaaso si ay gurmadka ugu fidiyeen dadkii wax ku soo gaaray qaraxii ka dhacay Boosaaso oo dad badan oo rayid ah ay wax ku soo gaareen.
Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa tacsi diray