Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole oo ka jawaabay eedeynta Musharaxiinta (Dhageyso)
December 4, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeymo ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada Puntland ka dib markii uu shalay magacaabay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka gollaha wakiilada ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dowladda ay xaq u leedahay in ay magacawdo guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka isaga oo xusay in dhamaan xukuumadahii ka horeeyey ay magacaabeen guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka wuxuuna ku tilmaamay musharaxiinta ka cabanaya arinkaas in uu yahay mid xaalad abuur iyo buuq ah .
Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay jiraan dad raba in ay amaan daro iyo shido abuuraan si aysan doorashada u qabsoomin wuxuuna sheegay in doorashada ay si xor ah u dhici doonto wuxuuna ka digay in la is hortaago doorashada sidii looga horyimid in Puntland laga horgeliyo nidaamka axsaabta badan.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dalka uu yahay nabad ayna doorashada u dhici doonto si nabad galyo ah wuxuuna sheegay in dhamaan musharaxiinta ,Isimada iyo xukuumada ay isku waafaqsan yihiin in doorashadu si nabad ah ay ku dhacdo. da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in haddii doorashada laga guuleysto uu si nabad ah xilka ku wareejin doon .
Xarigjiidka iyo loolanka Siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid sanadkan aad u adag waxaana si weyn loo hadal hayaa cida 8-da Jan 2014 ku guuleysan doonta doorashada Puntland. Amaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa la wareegay ciidamo Daraawiishta ,kuwa Badda,iyo PIS kuwaas oo ka mar qaadan doona Jen Saciid Dheere waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka guud magaalada Garowe oo ay doorashu ka dhici doonto.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga BBC la yeelatay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole
M_M Deeq
Halgan.net