Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.[Dhagayso]

December 17, 2013 - Written by Editor

farooleGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa  dhawaan waxaa uu saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe  isagoo warbixin ka bixiyey kulankii dhex maray isaga iyo musharixiinta, Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay in musharixiinta ay soo bandhigeen ilaa 4 qodob balse ay ka aqbaleen ilaa 3 qodob marka laga reebo qodobka  ah in gudiga khilaafka ansixinta oo ah qodob dastuuri ah oo dowlladdu ay xaq u leedahay.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dhincooda ay muujiyeen dul qaad ka dib markii hadlo qadaf ah ay ka dhaceen qaar ka mid ah musharixiinta oo aan ahayd kuwa aan aqoon badan u lahay xaalada Puntland iyo qaabka loola galo wada xaajo qolada aad is khilaafsan tihiin.

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa xusay in ay muhiim tahay in musharixiintu ay soo xushaan cid wada hadal geli karta oo ay dhab ka tahay xilka ay isku sharaxeeen oo ah xil weyn.

Dhinac kale Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay u sameeyeen  dhaweeyeen musharixiinta iyo qado sharaf arrinkaas oo ay diideen wax wanaagsan ahayn marka la’ eego dhaqanka suuban ee ay Soomaalidu leedahay oo waagii hore Soomaalidu iskugu gabyi jirtay.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole waxaa uu xusay in amaanka  Puntland uu yahay mid wanaagsan  doorashaduna ay  u dhacayso siddii hore.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee  ee uu madaxweynaha Puntland ku qabtay magaalada Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online