Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey in uu la kulmo Musharaxiinta [Dhagayso]

December 12, 2013 - Written by Editor

farooleGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa soo dhaweeyey in uu la kulmo Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland waxaana uu saaka Shirjaraa’id uu ku qabatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole ayaa warbaahinta kula kulmay aqalka madaxtooyadda Puntland waxaana uu soo dhaweeyey baaqii ay soo jeediyeen Musharaxiinta Puntland isaga oo sheegay in uu kula kulmi doona xarunta Madaxtooyada Puntland si ay xiinka iyo tartanka u sii badiyaa ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ka dhici doonta doorasho hufan waxaana uu ugu baaqay Issimada,waxgaradka ,iyo Musharaxiinta in ay ilaaliyaan amaanka Puntland waxkasta oo khilaaf keeni karana lagu dhameeyo si sharci ah .

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimada Puntland ayaa baaq u jeediyey Madaxweynaha Puntland in uu ka soo qeyb galo kulan maalinta Sabtiga ah ay musharaxiinta ku yeelan doonaan xarunta PDRC si looga wada hadlo gudiga xalinta khilaafaadka iyo qaabka ay u dhacayso doorashadu waxaana ay sidoo kale ku casumeen kulanka Issimada Puntland.
Hoos ka Dhagayso Shir Jaraa’id ee uu Garoowe ku qabtay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online