Madaxweyne Xasan IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan

December 27, 2013 - Written by Editor

IMG_2948Nairobi, 27 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD loogana hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa yiri “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”

Shirka madaxda IGAD oo lagu soo gabogabeeyey xarunta madaxtooyada ee Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omer Gelle, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailamarian Deselegn, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Sudan Bakri Xasan Saleh iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee South Sudan.
Kulankan ayaa warbixin looga dhageystey booqashadii Wasiirada Arrimaha dibedda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba, South Sudan 19kii ilaa 21kii December 2013. Dr Tedros oo ku hadlayey magaca wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Dowladda South Sudan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay oggolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafaxeytaan sidii xal deg-deg ah looga dhalin lahaa collaadaha ka jira South Sudan.Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa inaan muujinaa dadaal kasta oo aan u joojineyno dhiiga daadanaya isla markaana aan u dhexdhexaadin laheyn kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda si nabad iyo amni looga dhaliyo South Sudan.
Soomaaliya 22sano oo collaado iyo rabshado ah baan soo aragnay, sidaas daraadeed, waxaan ka digeynaa in collaadaha ka bilowday South Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in Dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa bacdamaa ay heysato sharciyadii dalka. Soomaaliyana diyaar bey u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa’iideyso South Sudan.
– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
+254786326587

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online