Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse oo gaaray Garoowe

December 23, 2013 - Written by Editor

caddeGaroowe:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi, wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo socdaalaya magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isagoo ku soo biiray Cuuqaal , Issimo  iyo siyaasiyiin ku sugan Garoowe kuna howlan siddii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha Puntland Dr.Cabiraxmaan Faroole iyo musharaxiinta.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta u sheegay in uu qayb ka noqon doono siddii xal looga gaari lahaa  guddiga khilaafaadka iyo ansxinta xubnaha baarlamaanka ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland isagoona ku taliyey in gudigu uu noqdo mid laga wadatashaday mushariituna ay ku qanci karaan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa warbaahinta dhowr jeer ka sheegay in ay muhiim tahay in xal la gaaro lagana fogaado wax walba oo abuuri kara nabad gelyo xumo iyo khilaaf isagoo u soo jeediyey madaxweynaha Puntland Dr Cabiraxmaan Faroole in uu sameeyo tanaasul iyo wadatashi maadaama masuuliyadda dalka isaga ay saaran tahay.

Dhinac kale waxaa magaalada Garoowe laga sugayaa Cuqaal , Nabadoono uu hogaaminayo Boqor Burhaan oo weli ku sugan magaalada Qardho ee xarunta Karkaar, Boqor Burhaan ayaa la filayaa in uu ku soo biiro Issimada ku sugan Garoowe ee dhexdhexaadinta ka dhex wada dowladda Puntland iyo musharaxiinta.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online