Maxkamada ciidanka DFS ee gobolka Hiiraan oo xukun ku riday 2 ruux

December 29, 2013 - Written by Editor

maxkamadHiiraan:-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta dacwad ku soo oogtay 5ruux oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxada Al-Shabaab iyo amaaan darada magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Maxkamada ciidamada qalabka sidda ee gobolka Hiiraan ayaa xukun ku riday laba ka mid ah 5ruux ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab waxaana lagu xukumay 5sano oo xariga ah halka 3 kale la sii daayey markii maxkamada danbi ku weyday .

Maxkamad ayaa saaka waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka nabad-sugida ee gobolka Hiiraan iyo guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed .

Xabsiga magaalada B/weyne ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo loo heysto danbiyo kala duwan waxaana gudoonka Maxkamada ay sheegeen in dhawaan maxkamada la keeni doono.

Dhanka kale maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa mamnuucday in wax hub ah lagu dhex wato gudaha magaalada B/weyne waxaana ay sheegtay in talaabo laga qaadi doono cid walba oo wax hub ah ku dhex wadata gudaha magaalada B/weyne.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online