Maxkamada G/Banaadir oo xukun ku riday Milkiilaha Idaacada Shabelle, iyo Wariye Maxamed Bashiir

December 9, 2013 - Written by Editor

g-banaadirMuqdisho:-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kala duwan ku riday Milkiilaha Idaacada Shabelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud , Wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo Faadumo C/qaadir Xasan oo ahayd gabashii sheegtay in ay kufsadeen wariyaal u shaqeeya Radio Muqdisho.

Milkiilaha Idaacada Shabelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud ayaa waxaa lagu eedeeyey yo in uu aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, ku faafiyey Idaacada Shabelle iyo Mareegta idaacada waxaana uu aflagaado gaar ah u geystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed waxaana lagu xukumay halsano xarig ah.

Maxkamada ayaa waxaa kale oo ay xukun ku riday Faadumo C/qaadir ka dib markii Maxkamada ay soo bandhigtay cadeymo ay ku sheegtay in ay been tahay in la kufsaday Faadumo C/qaadir Xasan waxaana lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah oo dibad joog ah.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa kale oo xabsi 6 bil ah ku xukuntay Wariye Maxamed Bashiir Xaashi waxaana lagu eedeeyey in uu been abuur faafiyey warbaahinta .

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in xukunka Maxakamada Gobalka Banaadir racfaan laga qaadan karo xukunka ama la iibsan karo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online