Mu’addin xalay lagu dhex dilay gudah Masjid ku yaal Xaafadda Xamar Bile ee Muqdisho

December 16, 2013 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Waxaa Allaha u naxariistee xalay lagu dhex dilay Masjid ku yaal magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Xamar Bile, marxuunka la dilay oo lagu magcaabo Bashiir Bile ayaa xiliga la dilay waxaa uu ku dhex jiray Masjidka gudahiisa waxaan uu dhagaysanyey cashar Tafsirka Qur’aanka Kariimka ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa saxaafad u xaqiijiyey in marxuunka lagu dhex dilay Masjidka dhexdiisa iyadoo falkaas foosha xun ay fuliyeen saddex dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bistoolado. Dhalinyaradaan la marin habaabiyey ayaa markii ay dilkaas foosha xun ay geysteen goobta ka cararay, dadkii goobta ka agdhawaa ayaa  aad uga xumaaday falkaas foosha xun ee lagu dilay Mu’adinkii Masjidka xili uu dhagaysanayey Tafsiirka Quraanka Kariimka ah.

Falkaan foosha xun ee lagu dilay Mu’addinka ayaan ilaa hadda cid sheegtay aysan jirin balse waxaa jiray dhacdooyin tan  oo kale ah oo ay ururka Al-shabaab kula kaceen culimo iyo dad shacab ah oo lagu dilay Masjid gudihiisa ama iyagoo ka soo baxay ama u socda waxaan ka xusi karnaa oo ugu danbeeyey dilkii Sh.Cabduqaadir Nuur Faarax ay kula kaceen amniyaadka Al-shabaab xili ay ku dhex dileen Masjidka Badar ee Garoowe  xili uu ku gudo jiray Salaadii Casar.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online