Mu’asasada Al-minhaaj iyo Culumada oo ku dhawaaqay guddiga loo xilsaaray qeybinta Gurmadka (Masawiro)
December 3, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Kulan labo bari socday oo ay soo abaabushay Mu’asasada AMinhaaj oo ka dhacay magaaladda Boosaaso gaar ahaan hoolka shirarka ee Markaska Al-R-Rowda oo lagu falan qaynayay wixii ka qabsoomay gurmadkii la gaarsiinayay dadkii duufaantu saamaynta ku yeelatay iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee gurmadka loogu jiro dadka dhibaatadu kasoo gaartay dabaylaha duufaanta watey ee ku dhuftay deegaanada qaar , ayaa lasoo gaba gabeeyay.
Guddoomiyaha Mu’sasada Al-Minhaaj Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa ugu horayn faah-faahin ka bixiyey Shir labadii maalmood ee ugu danbeysay u socday Culimada gacanta ku haya hawsha Tabarucaadka dadka dhibku kasoo gaaray duufaanta .
Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise ayaa sheegay in shirku uu horudhac u yahay wajiga labaad ee loogu gurmanayo dadkaas dhibaatadu gaartay isla markaana lagu magacaabay Guddiga ka shaqeyn doona wajiga labaad ee Tabarucaadka.
Shirkaas wuxuu horudhac u ahaa wajigii labaad ee hawshii gurmadka ee qeybtii labaad dadkii ku waxyeeloobay duufaanta iyo daadadka ,shirkaas waxaa kasoo baxay go’aamo,Istiraatijiyad, iyo arrimo badan,waxaa kasoo baxay Guddi mideysanoo hawsha wajiga labaad maamuli doona.ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Guddiga Wajiga labaad ee Tabarucaadka Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in shirka u socday muddo labo maalmood ah kaga hadleen arrimaha gargaarga loogu fidinayo dadkaas walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.
no images were found
Hoos ka Daawo Shirka Jaraa,id ee Mu’asasada Al-minhaaj iyo Culumada ku qabteen Boosaaso.
Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in Culimadu falanqeeyeen sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ayna ku gaareen kulankooda labada maal mood u socday, go,aamo ay ka mid yihiin:
1-In loo gudbay wajiga labaad ee gurmadka oo ah in la xooleeyo dakii dhibaatada ku xoola belay.
2-In gudi midaysan oo loo sameeyay wajiga labaad.
3- In guddiga wajiga labaad loo sameeyay gudoomiye, ku xigeen iyo xubno la shaqaynaya .
4- Baaq uu u dirayo gudigu odayaal dhaqmeedka iyo beelaha dagan deegaanada ku xeeran dhulka dhibaatadu ay saamaysay oo ah inay xoolo gooyo u sameeyaan dadkaas walaalahood ah ee dhibku soo gaaray.
5-Mahad celin dhamaan dadkii soomaaliyeed ee ka qayb qaatay gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatadu saamaysay.
Sidoo kale,Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa xusay magacyada Guddi loogu talagalay wajiga labaad ee Tabarucaadka dadka dhibaatadu gaartay,kuwaas oo kala ah;
01. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf (Guddoomiye)
02. Sh Axmed Daahir Xasan (Kuxigeen).
03. Sh Daahir Aw Cabdi
04. Sh Daahir Guureeye Kaaarshe.
05. Sh Jaamac Siciid Ciise.
06. Sh Maxamed Macalin Axmed.
07. Guddoomiyaha Al-Minhaaj Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise.
08-Sh Axmed Yuusuf Daad.
Sheekh Daahir Aw Cabdi oo kamid ah Culimada u istaagtay caawinta dadka dhibaatadu kasoo gaartay duufaantu ayaa sheegay in si toos ah u gaarsiinayaan deeqaha dal iyo dibadba laga soo gaarsiiyey isla markaana sida loogu talagalay ugu gudbin doonaan dadka dhibaatadu gaartay.
Mu’asasada al-minhaaj
Boosaaso
Halgan.net