Musharax Cabdiweli Gaas oo in ka badan 500 Arday kula hadlay Jaamacadda PSU ee Garoowe.[Masawiro]

December 22, 2013 - Written by Editor

9Garoowe 22 Dec 2013:- Musharax Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ayaa galabta booqday Jaamacadda Puntland State University (PSU) Xarunteedana tahay Garoowe isagoo Hoolka Jaamacadda kula hadlay in ka badan 500  oo Arday oo wax ka barta Jamacadda kuliyadaheeda kala duwan. Musharax Dr. C/weli Gaas ayaa wuxuu ku dheeraday Fa’iidadda Waxbarasha ay u leedahay Qofka Biniadamka iyo Mustaqbalkiisa wuxuuna dar daaran adag ka yiri Jahliga iyo sidda loogu baahanyahay in Bulshada si wadajir uga hortagto.

Dr.Cabdiweli Gaas ayaa Tusalooyin Xiisa geliyay Ardayda u soo qatay kuwaaso dhamantood ku saabsana Tacliinta iyo Isbedelka ay ku keeni karto dadka, wuxuu dhiirageliyay sida dhalinyarada ay ugu howlanyihiin in ay wax ka bartaan Jaamacadaha Dalka.

“Puntland uma baahna isbedel siyaasadeed oo keliya balse waxaa ay u baahan tahay isbedel Tacliimeed mid dhaqaale Horumarin iyo mid Amni oo si dhaqso ah lagu gaaro ” ayuu yiri Gaas. Dadweynaha Reer Puntland ayuu ku amanay sida ay ugu heelanyihiin Isbedel ka hanaqada Puntland Doorashada soo socota isagoo ka duulayay Dadkii iyo Deeganadii uu socdaalka ku soo maray Deeganada Puntland Dhowaan.

Boqolalkii Arday ee Jamacadda ku sugna Galabta ayuu u balan qaday hadii uu ku gulaysto iyo haddi kalaba in wax badan uu ka qabanayo dhanka Tacliinta isagoo balanqaaday in uu Wakhtigiisa qayb kamid ah uu siin Doono sidii uu Jamacadda Casharo uga bixin lahaa, taasina waxay sababatay in Ardaydii ay Sacab iyo farxad la sara Istaagan iyagoo Xiisaynayay Balanqadkaas.

Qaar kamid ah Ardayda ayaa Musharaxa su’alo ka weydiiyay waxyabo badan oo Maanka ay ku hayeen, qaar waxay wax ka weydiyeen Dhanka Cadaaladda waxa uu ka qabanayo haddi uu ku Gulaysto Doorashada qaar waxay wax ka weydiyeen Dhanka Waxbarashada, halka Qaarkoodna ay tilmaameen Su’alna ka weydiyeen waxa uu ka qabanayo haddi uu ku Gulaysto qaladad badan oo ka muuqanayo Dhanka Maamulka iyo Hay’adaha Dowladda, Maamulka Wakhtigiisa sii dhamanayo.

no images were found

Musharax Dr.Gaas wuxuu balan qaday in uu wax ka qaban doono Dhinacyo badan oo la ilaaway sida Musharaadka Ciidamada iyo Shaqalaha oo Maalinkasta bulshada iyo Hay’adaha Dowladdaba u haya Adeeg Xusid mudan, wuxuuna ka Jawaabay Dhamaan Su’alaha Ardayda isagoo taabtay in Isbedelka uu Doonayo ay ka dhex Muqan doonan Dhamaan waxyabaha ay Bulshada tabayaan.

Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
E-mail: gaas.election2014@gmail.com Ama
Booqo www.abdiweli2014.com

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online