Musharax Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu soo laabtay Garoowe

December 13, 2013 - Written by Editor

GaasGaroowe:-Musharax Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambaysay isaga iyo wafdi uu hogaminayay oo isugu jiray Odayaal waxgarad iyo aqoonyahan ay ku marayeen Gobalada Puntland ayaa wafdiga waxaa galabta ay ku soo noqdeen magaalada Garoowe. Dr.Cabdiweli Gaas ayaa aad uga mahadceliyay dadweynihii faraha badanaa ee ku soo dhoweeyey Magalooyinkii uu tegay iyagoo muujinayay sidda ay u doonayan Isbedel cusub iyo horumarinta Deeganadooda.

” Meelihii aan Tagnay dadkii joogay waxaan iska waraysanay xaaladaha ka jira Puntland guud ahaan waxayna dhamaantood ahayeen dad diyaar u ah Isbedel, dad u heelan isbedel dad raba in Puntland ay hormarto oo meesha ay joogto laga qaado meesha ay Istaahishana la geeyo” ayuu yiri Gaas mar uu Garoowe kula hadlay qaybaha War baahinta”.

Musharaxa ayaa sheegay in Deeganadii ay tageen is waraysi ka dib ay soo ogaadeen xaladahooda dhabta ah ee ay ku sugnayeen shacabkaas taas oo uu sheegay Musharaxa in ay waajib ku tahay Musharaxa iyo qofka Xilka haya labaduba inay booqdaan ka dibna la tixgeliyo rabitankooda dadweynaha.

Safarka Musharaxa iyo wafdigiisa ayaa ka soo bilowday magaalada Gaalkacyo 3 bishaan December 2013 laga soo bilaabo wakhtigaas ilaa maanta ayuu socdaal ku maray ilaa Shan Gobal oo kala ah Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari iyo Sanaag.

Musharaxa ayaa lugta mariyay Degmooyin badan oo qaybtood ay Musharixiinta u tartamaya Madaxtinimada Puntland weli gaarin taasina ay kalsooni weyn ku beertay dadkii deeganka ee uu la kulmay.Dr Gaas ayaa ugu Hambalyeyay Ra’iisulwasaraha cusub ee Soomaaliya Mr. Cabdiweli Sheikh Axmed xilka loo dhiibay waxaana uu sheegay in uu yahay Aqoonyahan karti u leh Xilka loo Magacaabay isla markaana uu si fiican u garanayo Isagoo alla uga Baryay in xilkiisa uu ku guuleeyo “Magacaas Cabdiweli laguma Khasaari jirin Inaan isagana lagu Khasaarin ayaan u rajeynaya” ayuu hadalkiisa raaciyay Musharaxa.

Mar Dr.Cabdiweli Sheekh Gaas oo Saxaafadda ay wax ka weydiisay kulan Saxafadeedkii Madaxweynaha Puntland 12-kii Bishaan December uu ku soo dhoweeyey kulanka Musharixinta iyo Madaxweynaha ayaa Dr.Cabdiwelina dhankiisa soo dhoweyay Kulankaas isagoo ku daray in uu rajaynaayo in kulankaasi uu noqdo mid danta guud iyo Badbaadada Puntland ay ku jirto, Doorasho Xalaal iyo Cadaalad ku salaysana ay qabsoonto 8 bisha Janaayo 2014.

Xafiiska Warfaafinta Musharax
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online