Musharax Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo lagu soo dhaweeyey Ufayn.[Masawiro]

December 12, 2013 - Written by Editor

29Boosaaso:-Boqolaal Dadweyne ayaa ku soo dhoweeyey Ufayn iyo Deeganada ku dhow dhow halkaaso uu ku hakanayay si uu farxadda ula qaybsado tageerayaashiisa. Dadweynaha ayaa Musharaxa uga hortagay ilaa 60 KM halkaaso ay ka soo gelbiyeen waxana dhamaan dadwey naha reer Ufayn oo ay wehliyaan Waxgarad iyo Issimo ay Musharaxa iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyeen duleedka ilaa gudaha magaalada iyagoo ku dhawaqayay Erayo ay ku muujinayan sidda ay ugu faraxsanyihiin in Dr Gaas uu isu soo taago qabashada Madaxtinimada Puntland.

Beeldaaje Cali Farax Maxamuud oo kamid ah Isimada Puntland si diirana u soo dhoweyey Dr.C/weli ayaa sheegay in Musharaxa uu noqday Musharixii ugu horeeyey ee soo gaaray Deeganadan taasina ay qadarin weyn ugu hayaan ayna ku Faraxsanyihiin in Musharaxa uu yimado Deeganka dadkana uu la hadlo.

Qaar ka mid ah Waxgaradkii Deeganka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Musharaxa socdaalkiisa ay gelisay kalsooni weyn haddi uu ku gulaysto Doorashada ka warqabkiisa deeganada laamiga ka baxsan ee la ilaaway, waxayna waxgaradkii hadlay ay ka dalbadeen Musharaxa in uu joogteyo Boqashadiisa Deeganada fog fog ee aan la tegin Ufayna ay kamid tahay si xaladooda looga warqabo.

Musharax Dr.C/weli Cali Gaas oo la hadlay dhamaan dadweynihii reer Ufayn ee soo dhoweeyey ayaa Mahadcelin ka dib wuxuu balanqaaday in uu samaynayo Cadaalad iyo Horumar ay ka wada simanyihiin dhamaan Deeganada Puntland.

Xukumadiisa Cusub ayuu sheegay in ay ka shaqayn doonto 5-ta sanno ee soo socota dhamaan gobalada si ay u daboolan dhamaan Xaladaha gudaha iyo dhibatooyinka Bulshada haysata waxana uu sheegay in aysan iska Fariisan doonin Magaalada Garoowe sidii looga bartay Xukumadihii hore.

Isagoo tixracaya Hadalkii Dadka reer Ufayn ee ahaa in Deegankan ay Kheyraad uu Shidaalka kamid yahay Ceegagto ayuu sheegay in Kheyraadka Dalka ay Bulshada ka Faidaysan doonto Isla markana guud ahaan Kheyraadka Dalka uu yahay Mid dadka reer Puntland ka Badan.

Xagga adeegyada bulshada oo ay kamid yihiin Waxbarashada iyo Cafimadka ayuu sheegay in uu wax ka qaban doono isagoo sidoo kalana si gaar ah reer Ufayn uga Mahadceliyay horumarka ay ka sameynayaan dhanka Tacliinta kaddib Markuu arkay Musharaxa Boqolaal Arday oo ka qaybqatay soo dhoweyntiisa kuwaaso iskood isu xilqaamay markii ay ka warheleen in Musharaxa uu ku soo aadanyahay .

Dadka deeganka ayaa soo bandhigay Maanta wax soo sarka deeganka iyagoo soo bandhigay Qudaar kala duwaan oo Deeganka uu Can ku yahay Markastana ay Beeraleyda Deeganka soo saaran sidoo kale waxay ku soo bandhigeen Soo dhoweynta Wafdiga Dr Gaas agabka Hidaha iyo dhaqanka oo dhamantood ay reer Ufayn gacantooda ku sameyeen taaso Musharaxa farxad gelisay.

no images were found

Musharaxa iyo Wafdigiisa ayaa Caawa ku hoyday Ufayn halkaaso Kulamo ay kula leeyihiin Waxgaradka iyo qaybaha Bulshada reer Ufayn taaso ku aadan Isbedel Doonka iyo kala warqadasho Xaladaha guud ahaan Puntland iyo Siyaasadda halka ay marayso.

Xafiiska Warfaafinta Musharax
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online