Musharax Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu soo dhaweeyey Qardho[Masawiro]

December 6, 2013 - Written by Editor

4Qardho:-Musharax Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku guda jira Socdaalkiisi Musharaxnimo ee isbedel doonka iyo Booqashooyinkiisi Deeganada Puntland ayaa dadweyne fara badan oo farxad ay ka muuqato ku soo dhoweyeen Magaalada Qardho iyo Deegano badan oo uu Saakay Socdaal ku marayay.

Dadweynaha ayaa Safnaa Gudaha Magaalada ilaa iyo Duleedka Konfureed oo ay Musharaxa iyo Wafdigiisa uga Hortageen.” Cabdiweli Waa Ninkii Dalka Ka saaray Nidaamkii KMG Ninkii Hirgeliyay Dowlad Rasmi ah Maantana wuu awooda In Isbedelka uu ka dhabeeyo, Dalkana uu u sameeyo Nidaam Dowladnimo oo dhab ah Waxan kugu soo dhoweynayna Qalbi Furan ku soo dhawoow Shacabkagi Dadkaagi iyo Magaladadi” Sidaas waxaa Yiri Qaar kamid ah Waxgaradkii ku soo dhoweyey Magaaalada Qardho.

“Puntland inaan ka qadno Meesha ay tagantahay aana geyno Mesha ay Istaahisho ayaan ku taamaynaa Puntland waa Shacabka ugu wanaagsan Ugu Dimuqradiyadda Jecel ugu Nabadda Jecel” ayuu yiri Gaas oo la hadlay dadweyne Fara badan oo isugu soo Uruuray Bartamaha Magaalada.

Musharax Prof.Cabdiweli Gaas oo la hadlay dadki isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay reer Qardho sidda diiran ee ay u soo dhoweyeen Waxaana uu ka Tacsiyeeye Dadkii ku geeriyooday maalintii ay fashilantay Nidaamkii Dimuqradiyadda loogu yeeray ee gacan ku rimiska, waxaa kale oo uu ka tacsiyeyey dadki ku geeriyooday dhacdadii Taleex dabayaqadii bishii hore oo uu ku tilmaamay mid laga argagaxo, Isagoo sidoo kalana Dareen Murugo la wadagay dadkii Shalay ku geeriyooday Qaraxiii ay ku geeriyoodeen shacab iyo ciidanka amniga Magaalada Boosaso isla markana si adag u cambareeyey.

sida ka Muuqatay Wejiyada iyo Erayada ka soo Burqanayay Dadweynahii Reer Qardho ee isu Xilqaamay Soo dhoweynta Musharaxa ayaa laga Dareemayay in Bulshada Reer Puntland ay Bisladeen una Baahanyihiin Isbedel dhab ah.

Musharax Cabdiweli Gaas ayaa Gacan qaadayay Waxgaradkii iyo Dhamaan Shacabkii Deeganadii uu Maray Maanta Halkaaso dadweynaha ay Wadada u soo baxayeen si ay u Gacan qaadan Musharaxa waxaa Deeganadaas kamid ahaa Magaalada Sinujiif, Degmada Dangorayo, Tuulooyinka Shire iyo Yako, waxaana Musharax Gaas uu ka waraysanayay Xaaladaha dhabta ah ee ay ku Noolyihiin Shacabka reer Puntland ee Deeganadaas ku dhaqan.

Musharax Cabdiweli ayaa Socod ku dhexmaray Gudaha Magaalada Qardho taaso muujisay sida Reer Qardho ay u doonayan in Cabdi-weli ku Guulaysto Madaxtinimada Puntland. Waxgaradkii Goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in Cabdi weli Gaas uu wax badan ka bedeli karo Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo guud ahaan Nabadgelyada Puntland.

no images were found

” Dadkan waxay u Baahanyihiin Isbedel Gaasow na daadihi” ayaa qaab Suuganeed ay ku soo Bandhigeen Haweenka Degmada Qardho oo iyagoo isa soo xilqamay soo Istaagay goobtii uu dadweynaha reer Qardho uu kala hadlayay Cabdiweli Gaas.

Fardaha iyo Ciyaaraha Dhaqanka ayaa ka dhex muuqday soo dhoweyntii maanta Musharax Prof. Cabdiweli Gaas uu kala kulmay Magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar. Socdaaalka uu maanta Qardho ku yimid Musharax Cabdiweli Gaas wuxuu qayb ka yahay Socdaaladisii uu ku marayay guud ahaan Deeganada Puntland.

 Xafiiska Warfaafinta Musharax
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online