Musharax Prof.C/weli Gaas oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Boosaaso.[Masawiro]

December 7, 2013 - Written by Editor

1Boosaaso:-Musharax Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta booqday Isbitaalka Boosaso oo ay ku sugan yihiin dadkii ku dhaawacmay Qaraxii arxandarada ahaa ee ay ka dhalatay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan. Prof.Gaas wuxuu booqday isagoo ay wehlina yaan Dhakhatiirta iyo Maamulka Isbitaalka Qolal ka mid ah Isbitaalka oo ay jifeen dad badan oo qaarkood caruur iyo haween ahaa kuwaaso ku dhaawacmay Qaraxii Maali nimadii Khamiista ka dhacay Boosaso.

Musharax Gaas ayaa ka Dhagaystay dadkii dhibanaha ahaa ee Isbitaalka jiifay xaaladooda Caafimaad isagoo Ilaahna uga baryay in uu caafimaad siiyo.
Maamulka Isbitaalka ayuu sidoo kale ka dhagaystay Xaaladaha Dhawacyadii ka dhashay Qaraxii Todobadkan ka dhacay Boosaso Dadkii Isbitaalka soo Gaaray iyo sidda ay wax u qabeen dadkaas oo u badna Birimageydo.

Musharax Gaas wuxuu kale oo u kuur galay Xaaladaha Isbitaalka iyo shaqadiisi maalinlaha isagoo Maamulka iyo Shaqaalaha kala sheekaystay Howlaha adag ee ay Bulshada u hayan Maamulka Dhakhatiirta iyo Kalkaaliyasha Caafimadka. Intii uu ku sugna Isbitaalka Musharax Gaas wuxuu la kulmay una Mahadceliyay Dr. Mikko Altto oo u dhashay Dalka Finland Isla markana Muddo ku sugna Isbitaalka Boosaaso si uu u caawiyo shacabka reer Puntland ee u soo baahi Caafimad doonta Isbitaalka.

Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka ayaa Wafdigii Musharaxa ee Booqday Isbitaalka u sheegay in Altto u Daboolay Baahiyo Cafimaad oo dhibatooyin badan laga mari jiray kuwaaso ay ka  mid yihiin Qaliinada mid kamid ah Xubabka sare ee Wadnaha. Musharax Gaas oo Qaybaha saxaafadda kula hadlay Isbitaalka gudahiisa ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland ee Gudaha iyo Dibadda ku dhaqan in ay u soo Gurmadaan Bukanada Jiifa Isbitaalka ee dhawaan Dhawacyo ka soo gareen Qaraxii Boosaso.

Wax uu sheegay in uu la kulmay Dhakhatiir iyo Shaqaale Daacad ah Howl kar ah dhib badan iyo daruufo adag ku shaqeeya iyadoo warbixin lagu siiyay in ilaa 90 Qof shaqale gaaraya ay Isbitaalka Bandarqaasim ka shaqeyaan weyna ku Mahadsanyihiin howsha adag ee ay hayaan ayuu yiri.wuxuu ku dhiira geliyay Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka in ay ka Faiidaystaan Dr Altto oo uu sheegay Musharaxa in uu ka soo jeedo Dal dhinacyo badan oo Cafimadka uu ka mid yahay Horumar ka sameeyey .

no images were found


” Waxan soo booqday dhaawacii maalintii Daraad ku dhaawacmay Qaraxii Boosaso Shaqo Fiican baa loo qabtay waa loo dadaalay dhamanteena marka ay dhibatadaaso kale dhacdo waa inaan fadhiga ka wada kacno wada gurmano in Isbitaalka dadka jooga keliya lagu haleeyo ma ahan waa in la wada gurmada oo qof kasta iyo Mushtamac ahanba waxan awoodno oo aan tari karno aan tarno waa Muhiim, Dad masaakin ah ayay u badan yihiin dad Xamalata ah ayay ahayeen dadkii Naftooda ku waayay iyo kuwa Dhaawaca qaybtood, in la taageero oo gacan la siiyo dadkii ay ka tageen Dadkii geeri yooday ayaa iyadana loo baahan yahay waxaa jirta in dadkii Geeriyooday ay qaarkood Qoysas Danyar ah Hormuud u ahayeen loona baahan yahay in dadkii ay ka tageen xaladooda laga war qabo.” Wuxuu sheegay in Caafimadka uu Muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada loona baahanyahay Cafimaad wanaagsan Tayo leh Horumarsan in Bulshada ay hesho.

Xafiiska Warfaafinta
Musharax Prof.C/weli Maxamed Cali Gaas

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online