Musharaxa Prof.Cabdi weli Gaas oo si weyn lagu soo dhaweeyey Garoowe (Dhageyso)

December 4, 2013 - Written by Editor

22Garoowe:-Musharaxa xilka madaxweynanimo ee Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Musharax Madaxweynanimo Puntland Prof.C/weli Gaas noqdayna Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaalkiisa waxaa uu ka soo bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug isagoo soo maray inta badan degaanada u dhexeeya magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe.

Musharax Madaxweynanimo Puntland Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo gaaray duleedka magaalada Garoowe ayaa waxaa soo dhaweeyey dad weyne fara badan iyadoo amaankiisa la arkayey in ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland. Musharax Madaxweynanimo Puntland Prof.Cabdiweli Gaas ayaa hadal kooban waxaa uu u jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey isagoo mahad balaaran u jeediyey maamulka gobolka Nugaal issimada iyo Saraakiisha ciidanka xusayna haddii uu ku guulaysto doorashada madaxnimo ee Puntlland in wax ka qaban doono dhinacyada  waxbarshada, caafimaad, iyo weliba kaabayaasha dhaqaalah.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa soo gaaray musharaxiin dhowr ah iyadoo magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo xarig jiid, dhinac maanka magaalada ayaa waxaa lagu wareejiyey Abaanduulaha ciidanka difaac Puntlland Gen Siciid Dheere iyo Saraakiil kale si ay u sugaan amaanka magaalada iyo musharaxiintaba

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markuu soo gaaray Garoowe

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online