Musharaxiinta iyo Madaxweynah Puntland oo kulan uga furmay Garoowe

December 17, 2013 - Written by Editor

2Garoowe:-Waxaa dhawaan ka furmay xarunta madaxtooyada ee dowladda Puntland  , kulan ay yeelanayaan inta badan  musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland  iyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole.Kulankaan oo ah mid wadatashi  iyo qaabka loo xalinkaro khilaafka dhinac dastuurka ah ee ka dhex jira musharaxiinta iyo madaxweynaha Puntland kuna saabsan cid xaqa u leh in ay soo magacaabaan gudiga xalinta Khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada ayaa waxaa furay Madaxweynaha isagoo sheegay in loo baahan yahay in masiirka umada  iyo danta guud laga shaqeeyo lagana fogaado wax walba oo abuuri kara amni daro iyo khilaaf si doorashadu ay ugu dhacdo si xalaal ah.

Musharaxiinta ayaa dhinacooda soo dhaweeyey kulanka waxaan ay rajo weyn ka muujiyeen in xal laga gaari doono khilaafka jira iyo arrimaha la isku hayo si doorashadu u dhacdo iyadoo uusan jirin wax khilaaf ama madmadow ah. Musharax Gen. C/laahi Siciid Samatar  oo u hadlay dhinac musharaxiinta ayaa soo dhaweeyey kulanka waxaana uu  xusay in ay soo dhaweynayaan talaabo kasta oo xal lagu gaarayo si looga fogaado burbur iyo jahwareer siyaasadeed.

Galabta ayaa la rajaynayaa in warbaahinta ay la hadlaan musharaxiinta iyo madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole si ay u soo bandhigaan wax ka soo baxay kulankoda

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online