Musharaxiinta Puntland oo aqbalay xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland

December 31, 2013 - Written by Editor

MurashaxiinGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in musharaxiinta ay aqbaleen liiska xubnaha Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee xalay ku dhawaaqeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaka cusub ee Puntland waxaana xalay Musharaxiintu ay kulamo gooni gooni ah ku qabsadeen magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland ay ku qanceen qaabka ay u soo gudbiyeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaka cusub ee Puntland xubnaha golaha wakiilda Puntland kuwaas oo gaaray ilaa 66 xildhibaan waxaana xildhibaanadii hore ka soo noqday 21 xildhibaan.

Mid ka mid ah musharaxiinta Puntland ayaa saluugay qaabka loo soo xulay xubnaha golaha wakiilada Puntland ee gobalka Bari balse kulamo kala duwan ay yeesheen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaka cusub ee Puntland iyo musharaxiinta ayaa la isku afgartay .

Dhinaca kale waxaa saaka la filayaa in Xildhibaanada cusub ee Golaha wakilada Puntland loo qaybiyo kaararkii aqoonsiga si dhaqso ahna loo dhaariyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online