Musharaxiinta Puntland oo saaka shir ay yeesheen ka soo saaray Bayaan.[Dhagayso]
December 30, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka mar kale kulan ku yeeshay guriga Musharax Cali Cabdi Awaare ee magaalada Garoowe musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanada Puntland waxaan ay dood dheer iyo falaqayn ka dib ay ku celiyeen mar kale in Gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibanaada Puntland aysan garab marin shardigii ay ku aqbaleen in gudiga uu shaqeeyo oo ah in ay la tashtaam Issimada soo jireenka ah inta aysan shaacin Liiska Xildhibaanada ka mid noqonaya Golaha Wakiilada ee Puntland.
Musharixinnta ayaa bayaankooda ku sheegay in wixii khalad ah oo soo baxa ama yimaada ay masuul ka yihiin madaxda dowladda Puntland uuna ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo iyagu abuuray khilaafka ka dhex jira Issimada Puntland.
no images were found
Dhinac kale waxaa kula uga socdaa xarunta PDRC Issimo si weyn looga qadariyo Puntland ana mid ah Issimadii soo jireenka oo madmadow uu soo kala dhex galay Islaan Ciise ka dib markii la isku fahmi waayey qaabka loo shaacinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlaaanka Puntand iyo dowrka ay Issimada soo jireenka ah ay ku leeyihiin.
Hoos ka eeg Bayaanka ay saaka soo saareen Musharaxiinta Puntland ee u taagn xilka Madaxweynanimada Puntland
M_M_Deeq
Halgan.net