Musharaxiinta Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.[Cod/Masawiro]

December 11, 2013 - Written by Editor

musharaxiinGaroowe:-Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland ayaa waxaa ay saaka shir jaraa’id ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, Musharaxiinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay taageersan yihiin gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Puntland oo ay iyagu magacaabeen. Musharax Dr.Cali Xaaji Warsame  oo ka mid ah musharaxiinta ugu miisaanka weyn ayaa waxaa uu sheegay in ay taageersan yihiin gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Puntlland ee ay qaar ka mid ah musharaxiinta ku sugan Boosaaso ay magacaabeen.

Musharax Cali Xaaji Warsame  ayaa xusay in gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku magacaabeen ka dib wadatashi ay la yeesheen waxgaradka Puntland musharaxiinta dhan ay ku midaysan yihiin marka laga reebo madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland.

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa ugu baaqay Issimada, Cuqaasha , Nabadoonada in ay arrinka soo dhex galaan sidda caadadu ahayd si loo soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan dowladda Puntland iyo musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada ee Puntland.

Dhinac kale Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa  waxaa uu ugu baaqay madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole in uu ka soo qayb galo shir wadatashi oo ka dhici doona xarunta  PDRC maalinta Sabtiga ah oo ay taariikhdu tahay 14.12.2013 si looga tashto khilaafka ka jira soo magacaabista gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Puntland.

no images were found

Waxaa kale oo saxaafada la hadlay Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi isagoo ku celiyey in Issimad  ay qaaataan dowrkooda si looga hortago khilaaf abuuri kara  is qab qabsi iyo nabadgelyo daro. Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa waxaa uu ka dalbaday ka hor 14.12.2013 in ay yimaadan dhamaan musharaxiinta magaalada Garoowe si wada jir looga tashto gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Puntland.

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa waxaa uu ka codsaday madaxweynaha Puntland uu ka aqbalo codsigooda uuna ka soo qayb galo shirka looga tashanayo in lagu dhamaayo khilaafka ka taagan cid soo magacaabi karta gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Puntland iyo qaabkii loo sugu lahaa amaanka caasimada Puntland xiliga ay dhacayso doorashadu.

Hoos ka Dhagayso Shirka jaraa’idd ee ay Musharaxiinta Puntland saaka ku qabteen magaalada Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online