Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray [Akhri]
December 25, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Kulan ay maanta ku yeesheen Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa ay ka soo saareen warsaxaafadeed ay ku cadeynayaan mowqifka khilaafka ka dhexaloosan Musharaxiinta iyo Madaxweynaha Puntland.
Waxaa ay Warsaxaafadeedkooda ay ku cadeeyeen in dhamaantood ay isku raaceen in Isimada lagu wareejiyo khilaafka u dhexeeya musharixiinta iyo madaxweynaha Puntland kaas oo ahaa guddiga khilaafaadka ayna si mabda ah u aqbaleen gudiga khilaafaadka.
Musharixiinta ayaa waxay ku sheegeen warsaxaafadeedkooda in ay aqbaleen gudiga khilaafaadka balse waxay ku xireen laba dhardi oo kala ah .
1-In xulashada baarlamanka cusub Marjac looga dhigo Isimadii asaasay Puntland 1998.
2-In wixii khilaafaad ah oo ka soo baxa baarlamanka cusub loo soo gudbiyo Isimadii marjaca u ahaa doorashadii 2008. sida ku cad lifaaqa, ayna go’aanka kama dambaysta ahna iyagu leeyihiin.
3-Waxaan soo jeedinaynaa in lala xariiro oo la caasumo Isimadda ka maqan shirka ee soo jireenka ah ee Gobaladda Sool iyo Cayn,waxan ku wareejinaynaa masuuliyadda habsami u socodka doorashadda guud ee Puntland,Isiamdda soo jireenka ah ee Puntland.
Hoos ka Eeg Bayaanka ay soo saareen Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland
Halkan ka Eeg Bayaan ay soo sareen Musharaxiinta
Halkan ka Eeg Saxiixa Gudoomiyaha Musharaxiinta bayaan2
M_M Deeq
Halgan.net