Mutamarka Diini ah oo loo qabtay Gabdhaha oo lagu qabtay Xaafada Islii

December 1, 2013 - Written by Editor

20131201_122605Nairobi:-Mutamar weyn oo diini ah ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana Mutamarka uu ka dhacay xaafada Islii gaar ahaan hoolka Sir Cali Muslim Club

Mutamarkan diiniga ah ayaa waxaa uu gaar u ahaa dumar Soomaliyeed ee kudhaqan xaafada Islii waxaana soo qabanqaabiyey Madalada Dugsiyada Qu,aanka ee magaalada Nairobi

Mutamarka ayaa waxaa muxaadarooyin kala duwan ka jeediyey culumada kala

Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Sheekh Maxamuud Shible
Sheekh C/qaadir Boobe
Sheekh Xasan Ibrahim Ciise

20131201_125153Mutamarka loo qabtay dumarka ayaa ahaa mid si weyn loo soo agaasimay waxaana ka soo qeyb galay dumar aad u faro badan iyaga oo su,aalo iyo Fataawe kala duwan weydiiyey culumada.Mutamarkan ayaa socday mudo laba maalmoo ah waxaana laga jeediyey muxaadarooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin

1.Akhlaaqda dumarka Muslinka Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Xijaabka iyo Geerida Sheekh Xasan Ibraahim Ciise
3-Axkaamta xeydka ,dumarka iyo wakhtiga Fitanka uu socdo Sheekh Maxamuud Shible
4.Waajibka saaran haweenka Muslinka ah guriga iyo tarbiyada caruurta  Sheekh C/qaadir Boobe
5.Su,aalo iyo Fataawo ay culumada ka jawaabeen

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadaraadka culumada hadii alle idmo ha moogaanina

Yaasiin Cabdi Ahmed
Nairobi
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online