Nadwadii ka socotay Garoowe oo caawa looga hadlay Midnimada.[Masawiro]
December 26, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Nadwadii ka socotay Masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe ayaa gashay habeen keedii Afaraad ,caawa waxaa lagu lafa guray nadwada Muxaadaro cinwaan keedu yahay Midnimada ,waxaa soo jeediyay muxaadarada qaybteedii hore Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf muxaadarada shiikha ayaa diiradda saartay saddex arrimood oo kala ah:-
1. Maxay tahay midnimo
2. Shareecadu maxay ka qabtaa
3. Dadku inay is khilaafaan maxay diintu ka qabtaa
4. Maxaa lagu gaari karaa midnimo.
5.Saamaynta midnimadad iyo kala tagga ay bulshada.
Waxaa uu shiikhu ku macneeyay midnimada in laga wado labo arimood oo ah:-
1. In hal meel laga maamulo oo looga taliyo.
2. In lagu midoobo hal sharci oo ah sharciga islaamka .
waxaa uu sheegay shiikhu in midnimada ummadu tahay arin waajib ah sidda ilaahay iyo rasuulkiisu ay ku fareen diintiisa ,waxaana xaraam ah oo aan diinta ku bannaanayn kalatagga iyo is khilaafka. Sidoo kale shiikhu waxa uu adkeeyay in ay muhim tahay inaan ku dadaalno midnimada iskana ilaalino kala tagga iyo iskhilaafka oo keeni kara dhibaato wayn aduun iyo aakhiraba maadaama ay ka mid tahay in kalatagga umadda laga shaqeeyo danbiyada waawayn ee kabaairta ah.
Shiiku waxa uu wax lalayaabo ku tilmaamay in dadku ay la fududahay in laga shaqeeyo kalatagga ummadda taasina ay sabab u tahay in aan loo arag in midnimadu diin tahay oo ay tahay in la ilaaliyo sidda Salaadda loo ilaalinayo.
no images were found
Faa’iidadda Midnimada:-
Shiikhu waxa uu sheegay in midnimada lagu gaarayo awood iyo in laga hortagao cadawga umadda iyo wax kasta oo masaalixdeeda wax u dhimaya ,dhanka kale ayuu sheegay in kalatagga aan ka dhaxalay tabar darro iyo in baddeenii la boobay oo aan caalamka sharfteenii ku dhacday. Shiikhu waxa uu xoojiyay in waajib tahay in aan hoos nimaano kana amarqaadano cidda aan masuuliyadda u dhiiba nay ,ayna khalad tahay in aan doorano cid haddana aan ka hornimaano burburinana midnimada.
WAXYAABAHA LAGU ILAALIYO MIDNIMADA:
1.Shiiku waxaa uu sheegay waxa ugu horeeya ee aan midnimada ku ilaalinayno inay tahay in aan ilaahay ka cabsano una aragno midnimada shay diin ah oo aan la khilaafi karin.
2. Arinka labaad waa in aan ka fogaanno wax kasta oo keeni kara in umaddu kalatagto.
3. In aan iska ilaalino waxayaabaha keeni kara isku dhaca umadda sida cayda, dagaalka ,dhaca iyo boobka ,sharf dilka,carada ,isku dirka ,xanta,qabyaaladda,iwm.
4. Waxaa loo baahna yahay si loo ilaaliyo midnimada in la isfaro wanaagga xumahana la iska reebo.
5. In la istaakuleeyo la isna garab qabto oo qofka dhibaataysan gacan lasiiyo .
6. In la wada qabsado xarigga ilaahay, shiikha ayaa sheegay in aan soo tijaabinay nidaamyo kal gadisan sidda dimuqraadiyad,shuuciyad,diktaatooriyad,dhamaantoodna wanaag aan ku gaarin haddana loo baahan yahay in aan ku midawno diinta ilaahay iyo xarigiisa.
7. In haddii la is qabto oo khilaaf yimaado in lagu kala boxo ilaahay diintiisa.
8. In aan laga horimaan madaxda ummadda ,shiikhu waxa uu adkeeyay dhibaatada ka dhalankarta in madaxda laga horyimaado hadaan soomaali nahayna aan soo tijaabinay maantana aan arkayno waxa ka socda dunida ,shiikha ayaa sheegay in aan loo fasiran in uu ula jeedo cidgaara,haddii cid la doorto mudo cayimana ay tahay in la ilaasho maadaama ay tahay wax lagu heshiiyay.
9. Waxaa kale oo lagu ilaalin karaa midnimada in la helo dulqaad iyo in aan laga jawaabin wax kasta.
Waxa uu shiiku ku soo gabagabeeyay in la ilaasho midnimada ummadda ,wax badanna laga tanaasulo si loo ilaasho ,lagana fakaro had iyo jeer danta guud iyo maslaxadda ummadda .
Muxaadarada qaybteedii danbe ayaa waxaa qaatay Shiikh Axmed Yuusuf Daad oo ugu horayntii u duceeyay shiikhii ka horeeyay kuna ammaanay sidda wanaagsan ee uuga hadalay midnimada iyo isku duubnida.sidoo kale shiiku waxa uu sheegay in midnimadu tahay nimco u baahan in laxagsado ilaahayna lagu mahadiyo.
Shiikhu waxa uu soo jeediyay in ay noqoto midnimadu waxa ugu horeeya ee aan ka shaqayno anaga oo ku dayanayna nabiga (N.N.K) oo dawladdiisii ku bilaabay midaynta ummadda iyo walaalayntooda. Shiiku waxaa uu adkeeyay in midnimadu tahay waxa lagu gaaro isulaab fiyoobaan,isu buradayn ,isqabqabsi la’aan,lagagana fogaanayo isnacaybka ,qabyaaladda,tanaasul l’aan,iwm. shiiku waxa uu ka digay in haddii midnimada la lumiyo ay ka faa’iidaysanayso cidkasta sharka ka shaqaysa. Shiikhu waxa uu ku soo gabagabeeyay in qofkasta oo masuuliyad haya meelkasta bulshada hakaga jiree xil kasaaran yahay inuu ilaasho midnimada iyo isku duubnida,noqdana qof bulshadu ku dayato.
Mu’ssasadda Al-minhaaj
Garoowe, Somalia