Nadwo ka hadlaysa danta guud iyo Dowladnimadda oo ka bilaabatay magaalada Garowe[Cod/Masawiro]
December 24, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 23/12/2013 ka bilaawday masjidka Xaaji Cali ee Garoowe ,Nadwo cilmiyeedkii 5aad oo ay soo qaban qaabisay sanadkiiba mar Mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo horumarinta oo lagaga hadlo inta badan wax danta u ah bulshada Soomaaliyeed.
Nadwo cilmiyeedkaan iiniga ah ayaa sanadkaan waxaa looga hadlayaa danta guud gaar ahaan xilka dawladnimada iyo masuuliyada qof masuulka ah la saaray. Nadwada ayaa waxaa furay gudoomiyaha nadwada Sh Mukhtaar Axmed Faarax isagoo qeexay u jeedka Nadwada oo ah in bulshada laga daaweeyo sanad walba wixii ku soo kordha oo aan waafaqsanayn shareecad Islaamka.
Gudoomiyaha nadwada Sh Mukhtaar Axmed Faarax ayaa sheegay in sanadkaan Nadwada diirada lagu saari doono arrimo la xiriira danta guud iyo dawaldnimada iyo wax ay ka qabto shareecada Islaamka ,Muxaadarada caawa ayaa waxaa kala jeediyey Sh Axmed Daahir iyo Sh Cabdi Qani Qorane oo ka hadlay Ilaalinta Alle,
Sheekh Axmed Daahir ayaa waxaa cadeeyey in qofka uu ilaaliyo xuduuda Alle in ay tahay muhiim kowna uu ka bilaabo naftiisa maadaama Alle uu la socdo qof walba wax uu qabanayo xaalad walba iyo mar walba ama ha qariyo ama ha soo muujiyee.
Sheekh Axmed Daahir Allaha dhowree ayaa waxaa uu dadweynihii muxaadarada dhagaysanayey waxaa uu ku dul akhriyey Aayado iyo Axadiis ka hadlaysa in qofka Islaamka looga baahan yahay in uu digtoonaado oo uusan gudbin wixii Alle ka xaaraam yeelay.
Sh Axmed Daahir ayaa xusay in culimo iyo caamaba looga baahan yahay inta aysan wax samayan in ay ka fiirsadaan in wax ay samaynayaan in shareecada Islaamka ay qabto[ Inta aadan Falin ka fiirso]. Sheekh Axmed Daahir ayaa tusaaleeyey dadka masuuliyiinta ah in aysan marna alle ka qarsoomi karin haddii ay iska qariyaan shacabka oo maalin alle uu la xisaabtami doono, Sh Axmed Daahir ayaa sidoo kale ka digay in awood loo isticmaalo si aan shareecad Islaamka waafaq sanayn taas oo ay ka dhalan karo burbur iyo halaag.
Sheekh Axmed Daahir ayaa gabagabadii sheegay dhibaatada ka dhalankarta in qofka uu hilmaamo in Alle Ilaalinayo oo uu arko arrinkaas oo ah tilmaamaha lagu yaqaan Munaafiqiinta oo ah kuwa camalkooda uu noqday mid aan la aqbalin aakhinay khasaaray.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii kowaad ee Nadwada ka bilaabatay Garoowe Sheekh Axmed Daahir
Markii Sh Axmed Daahir Muxaadarada uu qaybtii 1aad jeeiyey ayaa waxaa qaybtii 2aad ee muxaadarada guda galay Sh Cabdi Qani Qorane oo aad ugu dheeraaday Ahmiyada ay leedahay in laga hadlo xiriirka ka dhexeeya danta guud iyo Dowladnimadda.
no images were found
Sheekh Cabdi Qani Qorane ayaa aad ugu heeraaday qofka oo iska hilmaama Ilaalinta Alle oo ku mashquula aduunka waxaan uu Shiikhu soo bandhigay tusaalooyin badan oo ku saabsan mowduuca waxaan uu ku soo koobay Culimada ayaa ugu danbayntii talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay dhamaan dadka xilka u haya bulshada iyo weliba kuwa u tartamaya xilka iyagoo xasuusiyey in Alle ay u laabtaan oo ogaadaan in xisaab ay sugayso ayna ilaaliyaan Maslaxadda ummadda.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii kowaad ee Nadwada ka bilaabatay Garoowe Sheekh Cabdi Qani Qorane
Mu’asasada al minhaaj ee
dacwada iyo horumarinta