Nadwo ka socota Habeenkii 3aad Masjidka Xaji Cali ee Garoowe(Warbaxin)

December 25, 2013 - Written by Editor

DSC02636Garowe:-Nadwadii ka socotay Masjidka Xaaji Cali ee Garowe ayaa gashay habeenkeedii saddexaad ,caawa waxaa lagu lafa guray nadwada maxaadaro cinwaankeedu yahay Caddaaladda  ,waxaa soo jeediyay maxaadarada qaybteedii hore Sheekh Maxamed Macalin Axmed wuxuuna sheekhu ,muxaadarada  diiradda ku saaray  saddex arimood oo kala ah

1-Qeexiidda macnaha caddaaladda iyo iftiiminta macnaheeda.
2-Qiimaha ahmiyadda ay leedahay caddaaladda.
3-Meelaha looga baahanyahay caddaaladda.

QEXITAANKA CADDAALADDA:

Waxaa loola jeedaa caddaalad dhexdhexaadnimo  iyo in qofkasta xaquuqdiisa uu helo xuquuqda dadkana laga helo.

TILMAAMAHA QOFKA CAADILKA AH:

Sheekha  ayaa  sheegay in ay muhimtahay in aan yeelano tilmaamaha dadka caadiliinta ah tilmaamahaas ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin kuwan:

1-Qof dhawrsoon oo aan dhacdhac badnayn kana dhawrsan wax kasta oo xumaan ah.

2-Qof madaxbannaan ilaashadana sharftiisa iyo dadnimadiisa.

3-Qof miisaaman oo kantarooli kara naftiisa xaalad kasta oo ku sugan yahay iyo cid kasta oo uu la tacaamulayo.

QIIMAHA CADDAALADDA:

shiiku isaga oo ka hadlayay qiimaha iyo meekhaanka caddaaladda ayuu sheegay in ay tahay caddaaladdu in

1.Ilaah isku magacaabay iskuna sifeeyay,sidoo kale waxaa  uu ilaahay amar ku bixiyay qof kastana ka doonay in uu caddaalad sameeyo .

2. In ay tahay Ujeedka ugu wayn ee aduunku ujiro waa in laga hirgaliyo caddaalad ,waanna tan diinta loo soo dajiyay.

3. In ay tahay Waxa lagu gaarayaa jeclaanta alle ,haddii ilaahay raalli kaa noqdo kuna jeclaado aad helaysid dadka oo dhan inay ku jeclaadaan.

4. In ay tahay  waxa lagu gaari karo meeqaan sare iyo sharf dhammaanteed.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa farriin ugu diray dadka xilalka danaynay raadinayana in ay gaaraan martabad sare in ay tahay caddaaaladdu furaha arrintaa lagu gaari karo isaga oo arrintaa ku adkeeyay nusuus farabadan iyo waliba tusaalaayaal cadcad.

XAGGEE CADDAALAD LOOGA BAAHANYAHAY:

Waxa ugu horeeya ee caddaalad kaaga baahan waa naftaada oo ladoonayo in aad dulmiga ka ilaalisid, meesha labaad ee caddaalad looga baahan yahay waa guriga iyo in lagu tarbiyeeyo qoyska caddaalad madaama uu yahay iskuulka inoo soo saaraya madaxda ina xukumaysa.

no images were found

Waxaa caddaald looga baahan yahay maxkamadaha dadka lagu kala saarayo iyo in shacabka iyo dadka madaxda loo yahay loo caddaalad sameeyo.

Haddaba Sheekhu  isaga oo ka hadlaya sidda ay shacabku caddaalad u heli karaan ayuu sheegay in bulshada laga rabo in ay ilaashadaan cadaaladdooda lana xisaabtamaan madaxdooda ,madaxdana laga rabo inay fahmaan in ay yihiin adeegayaal  lagana doonayo inay ka soo baxaan shaqadooda.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa waxa uu ka digay in xilka lagu doono hanti iyo in laboobo hantida dadwaynaha isaga oo sheega in qofka masuulka ahi la mid yahay qof gacanta ku haya xoolo agoomeed ayna halis tahay in la gacanto gaaleeyo.

Sheekh Maxamed ayaa  waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la waaniyo lalana taliyo madaxda iyaga oo la xasuusinayo caddaaladda ,waxa uuna soo raray tusaalayaal farabadan oo ah tolooyin qaali ah oo la siiyay madaxdii muslimiinta.

Muxaadarda qaybteedii labaad ayaa waxaa soo jeediyay Sheekh Daahir Aw Cabdi  isaga oo sheegay in isku xiran yihiin amniga iyo caddaaladda. Sheekh Daahir Aw Cabdi Xafidahulaah  ayaa sheegay in ay muhiim tahay in bulshada la  hagaajiyo si ay madaxdu u hagaagto ,meesha ugu muhimsan ee shaqadaa lagu qabanayana ay tahay masaajidka .

Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa  waxa uu adkeeyay in aan ka dheeraanno waxyaabo badan oo dulmi ah oo ka dhaca bulshada  dhexdeeda o ay ka mid tahay isquursiga iyo boobka hantida dadweynaha.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta dhawaan muxaadaraadka ay caawa culumada ka jeediyeen nadawa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

Musasat Al-Minhaaj
Garowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online