Qarax ka dhacay maanta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho
December 27, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanata qarax uu ka dhacay Makhaayada laga cunteeyo oo ku taal duleedka kuliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho xili ay halkaas ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qarax ka dhacay Xaafadda lagu magacaabo Bangalo oo ka tirsan degmada Dayniile ayaa waxaa lala bartilmaamsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana qarax miinada ka soo gaaray ciidanka DFS khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay in ay arkeen in ka badan 7 qof oo dhintay oo 4 ka mid ah ay yihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qarax ayaa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaan ku dhintay ilaa 12 ruux oo ay ku jiraan Islaantii lahayd Makhaayada, wiilkeedii iyo odaygii qabay, Qarax ayaa waxaa kale oo ku dhintay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Dayniile, Xiireey Muxyadiin Cumar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qaraxu ay ku dhinteen dad rayid ah iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Xiireey ayaa waxaa uu ku eedeyeey in qarax ay ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab oo iyagu fuliya qaraxyada noocaan oo kale ah oo khasaaro ay ka soo gaaraan dadka rayidka ah.
Ilaa hadda ma jiro cid sheegtay qarax ka dhacay degmada Dayniile oo ay ku dhinteen in ka badan 11 qof oo iskugu jira ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.
A/cawaale
Halgan.net