Qaylo dhaan ku socota Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya
December 29, 2013 - Written by EditorSanca:-Allow badbaadi Muslimiinta. Waxaa in muddo ah lagu leynayey dhalinyaro Soomaali yeed Wadanka Yemen gaar ahaan Magaalada Damaj ee Gobolka Sacda meeshaas oo ay u joogeen barashada diinta Islaamka. Meeshaas waxaa asaasay Sheikh caan ahaa oo la oran jiray Sh Muqbil Al-hadi waxaan la isaga imaan jiray caalamka oo dhan waxaase ka agdhowaa meesha qolo la yiraahdo Xuutiyiin oo shiico ah waxayna go,doomiyeen magaaladii mudo sanad ka badan dagaal kuna wuu socdaa ,nasiib daro dhalin yaro soomaaliyeed oo badan koodu qurbaha ka tagey ayaa joogay una baahan in loo gurmado.
Ilaa hadda tirro badan ayaa ku dhimatay haddaba qaylo dhaan taan waxay u baahan tahay in dowlada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuul ah ay talaabo qaado iyadoo waliba ka shaqeysiineysa safaarada Soomaalida ee dalka Yemen si loo soo badbaadiyo dhalinyaradaas Soomaaliyeed ee go’doonsan.
Abdulkadir Dalmar
Akdalmar@hotmail.com
25/12/13