Ra’iisul Wasaare Saacid “Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” wuxuu ahaa shaqsi nagu weyn

December 6, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo dhamaan xubnaha golaha Wasiirada, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Feysal) isaga oo xusay in Xidhibaan Feysal uu ahaa shaqsi aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muhiim ah uga jiray howlaha Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed wuxuu ahaa xildhibaan karti leh, kuna dadaali jiray in ummadda Soomaliyeed ay ka soo kabato dhibaatooyinka kala duwan ee heysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid. Sidoo kale, si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka dalbay qeybaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan cidii ka dambeysay falkan lagu dilay xildhibaanka.“Xildhibaan Feysal waxaa dishay gacan ka xaq daran, waxaana alle uga baryayaa inuu janadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo” ayuu yiri ugu dambeyntiina.

Garaadcadde Salaad
<garaadcadde@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online