Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka qeybgalay Aaska Marxuum Xil. Maxamed Warsame Maxamed “Feysal”

December 7, 2013 - Written by Editor

unnamed (1)Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka ka qeybgalay aaska Marxuum Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid halkaasi ka jeediyay erayo tacsi ah.

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Innaa lillaahi wa inaa illaahi raajicuun, xildhibaan Maxamed Warsame Feysal wuxuu ahaa nin geesi ah, Wadani ah, xaqa iyo xaqdaradu u kala saarantahay, weligiisna waxa uu qabo aanan ka leexan, si cadna u sheega, wuxuu ahaa dadka maanta Soomaaliya u baahan tahay dadka ugu horeeya, Alle ha u naxariisto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay inay dishay gacan ka xaq daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale yiri. “Wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u Halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa Feysal ma dhiman, waa noolyahay, waana in looga daydaa sidii uu runta u sheegi jiray

no images were found

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tacsi u diray Sidoo kale, si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online