Reer aan ogahay ma guuro!! W/Q Sheekh Fu’aad Maxamuud X. Nuur

December 1, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Soomaalidu waxay caan ku ahaan jireen in ay dhaqan xayawaan si xirfadaysan ugu rogaan tiraab oo waliba ay ka dhigaan in xayawaanku uu isagu hadalka yiri, oraahdaan aan summadda uga dhigay qormadaydaan waxaa laga sheegay dawoco ama dacawo qofba siduu u yaqaan, dawacadu waa xayawaan soomaalidu ku naanaysto caqli iyo khiyaano.

Waayadii hore ee soomaalidu wada ahayd reer guuraaga waxaa yeesha ama xargaha laga samayn jiray saanta xoolaha, sida badan reerka waa la diyaarin jiray fiidkii si habeenka daloolkiisa dambe loo guuraysiiyo, marka aqalkii oo furfuran, yeeshii ama xargihii oo ag yaal ayaa xoogaa la seexan jiray, dayo ama dawacadu goor saq dhexe ah oo dadkii wada hurdaan ayey soo dhuumataa markaas ayey dhulka unuunuftaa waxay cuntaa yeeshii oo meesha daadsa, reerkii baa toosa goor dambe mise yeeshii ama xargihii waxaa cuntay dacawo!!, hadde sideebuu u guurayaa reer aan xargo wax lagu xirxiro haysan!!, waa in reerkii diyaarka ahaa nagaado, marka waxaa la yiri dawaco ayaa tiri (Wallee reer aan ogahay ma guuro) illaa xalay bay yeeshii ka cuntaye!!.

Waa yaab e reeku soomaaliya u ekaa!!, yeeshu ama xarguhu siyaasadda soomaalida u ekaa!!, markii la is yiraahdo soomaaliya allaylehe markaan ayey soo doogaysaa oo waxbaa hagaagi doona ayaa la arkaa is qabqabsi, dirir iyo is haaraan, waxaad maqlaysaa madaxweynihii iyo ra’iisal wasaarihii baa gorodda is galiyey, markiiba waxaad maqlaysaa ayadoo mid walbaa leeyahay dastuurka ayaa na kala saaraya oo anigu dastuurka ayaan ku taagnahay!!, dastuurku yaab badanaa qodobbadiisu ma la jiifiyaana bannaanbaa?!!, isla markaasna la joojiyaana waa jirtaa ayuu oranayaa!!!, waa yaab e toloow yaa dastuurrada soomaaliya haga soo diyaariya?, maxaase keenay in madaxda dalku sannad walba is qabtaan oo mid walbaana dastuurku u caawinayaa?!!.

Waxaa ka sii yaab badan xubnaha baarlamaanka oo durbaba iyana u kala jaba labo qaybood oo qoloba hotel ku qadayso, marka u dambaysana waa in labada nin mid meesha ka baxaa intuu awood u sheegto!!, weli lama hayo madax dirirtay oo heshiisay, haddaba waan aragnaa oo dastuurku waa u jeeddo badan, madaxdu kol hadday diriraan waa in la kala waran jiidaa ee meel dhexe ma jirto marka waxaa jira qolo kaalintii dawacada ku jirta oo diyaarisay dastuur dhan walba u xiiraya ee toloow qoladaasu waa tee?, ma beesha caalamka waxa hadda loo baxshaybaa?, ma reer galbeedkaa?, ma dawladaha deriska ah baa? bal adba!!!.

Soo aad uma yaabtid markaad maqashid dagaal ayaa Jowhar ka socda, oo soomaali baa soomaali dilaysa!!!, mid kale ayaa Marka ka socda!!, Taleex ayaa dagaal iyo qax ka socdaa!!!, madaxdiina dastuurkaa isku diray!!, wixiiba waa hirig!!!.

Cabdullaahi Suldaan Timacadde AUN ayaa yiri.

Dawladahan laga qayliyey ee qaaq wax kaga siiyey
Nin waliba mar buu qaadan jiray qaanso iyo leebe
Qarfo iyo mar buu seexan jirey qalanqal hoosteede.

Hayeeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekhoowe
Qalalaase meel lagu lumiyo qaylo iyo oohin
Qorraxdii dhacdaba teennu wey kala qaxaysaaye.

Qod la ridaya quraanjada gashaa qoob dad waw halise
Hadduu geed qallalo roobku waw qamac kaliileede
Dirxiga qurunku uma soo uree waabu quudsadaye.

Qabaa’il iyo jeer oo la naco qaadkan lagu waashay
Qasdi jeer ay wada yeelato oo qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye soomaaliyeey qiiradaadanuye.

Nin qalbi la’ quraankuu akhriyey qaaf dhe ku harraadye
Kutubtaa sidii lagu qarriray qiilka aakhiro e
Qayrkii ka hare waa ninkii qalay walaalkii e.

Runtii habdhaqanka abwaanku ka sheekeeyay waa sooyaal xun oo soomaalida ragaadshay, waxaase naxdin leh ka dar mooyee ka soo rayn ma leh, waxaa lagama maarmaan ah in aad loo darso mushkiladda soomaalida, markii la ogaado cudurkeeda dhabta ah, waa in la doonaa dawada ugu muhiimsan ee cudurka dabagoyn karta, inta la dabargoynayo haddii la helo mid yarayn karta iyaduna waa fiican badan.

Waxaase raadin mug leh u baahan qolada ciyaarta hoos ka wadda, oo markii la damco in la guuraba yeesha cunta!!, waase in aynu si ka mug weyn u ogaannaa qoladaan booska dawacada ku jirta waxay ka faa’daysanayaan is naca iyo kalsooni darrada soomaali kala gashay!!!, haddii kalsooni la helo, is naca jacayl baddalo, danaysiga gaar ahaaneed mid guud lagu beddelo waxaa hubaal ah dawaco in ay gudcur indho ku caddaynayso oo kaalinteedu xirmi doonto.

Bal inta aad loo fekero oo maskaxda aad loo tuujiyo, hala raadsho cudurka, kaabayaasha cudurka iyo dawada intaba, dunidu dirirta, kalsooni la’aanta iyo haantaa wilifka waa la soo maray ee ma aha ugub, waxaa looga gudbay is xilqaan, shaqo iyo go’aanno la fuliyey, intaba waxaa ka sii mudan baryada Alle, isi sixidda qof ahaaneed, dareen iyo badbaado guud oo loo kaco.

Waa inoo qormooyinka dambe haddii Alle idno.
Sheekh Fu’aad Maxamuud X. Nuur

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online