R/W Dr. Cabdiwali Maxamed Axmad oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

December 26, 2013 - Written by Editor

DSC_0117Muqdisho:-Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cabdiwali Maxamed Axmed, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan xubnihii golaha Wasiirada ayaa waxaa xiriirinayay Afhayeenka Dawladda Ridwaan Xaaji Cabdiwali iyadoo ugu horeyntii uu goobta hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna xusay in 15 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhaceysay uu kagala wareegay xilka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadii KMG aheyd, xilkuna yahay meerto. Uuna maanta ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Mudane Cabdiwali Maxamed Axmad oo ay saaxiibo dhow ahaayeen muddo 30 sano ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faallo kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka. “Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Intaasi kadib, waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay Mudane Cabdiwali Maxamed Axmad, isaga oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si Dimuqraadi ah xilka kula kala wareegeysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar aragtida siyaasadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa u mahad-naqay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo golihiisii Wasiirada, wuxuuna caddeeyey in wax badan ay qabteen, inta hartayna ay dhameystiri doonaan.

no images were found

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa walaalkeey Saacid oo beryihii u dambeeyey ii fududeeyey inaan la qabsado howlaha xafiiska, iina fududeeyey wixii macluumaad ahaa oo ku aadanaa shaqada xafiiska, talooyin wanaagsan oo wax ku ool ahna I siiyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Axmad Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda xukuumadiisa hortaala isaga oo xusay inay tahay tan koobaad Sugida Amniga iyo Xasilinta, tan labaad Garsoorka iyo Cadaalad, Aas aasida adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhanka kale, la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Warsame oo hormuud u ahaa guddi ka kooban 15 xubnood oo ahaa (Transition Team), kana soo shaqeeyey munaasabaddan wareejinta xilka isla markaana isku soo duway Documentska xafiiska, tirakoobka shaqaalaha iyo qalabka xafiisku ku shaqeeyo ayaa goobta ku soo bandhigay saddex Documenti oo ka tarjumayay dhamaan Feylasha xafiiska, mashaariicdii ay xukuumadu waday, hindise sharciyeedyadii golihii wasiirada ay u gudbiyeen Golaha Baarlamaanka, tirakoobka shaqaalaha, tirakoobka qalabka iyo Boorso weyn oo Samsonite ah oo uu ku jiray Kitaabka Qur’aanka, Buugga Dastuurka, iyo Documents, waxaana ugu dambeyntii labada Ra’iisul Wasaare ay halkaasi ku saxiixeen saddexdii Documenti, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadduna uu goob jooge ahaan u saxiixay daraftiikiisa.

Ugu dambeyntiina, madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xiray ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska baneeyey mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo dhamaan golihiisii Wasiirada isaga oo ku ammaanay waxqabadkii ay muujiyeen mudadii ay shaqeynayeen.

“Runtii Soomaaliya ma joogto maanta halkii ay joogtay 15 bilood ka hor, waxaana xukuumadii hore ay qabatay wax weyn oo muuqda, una muuqda shacabka iyo caalamkaba, waxaana laga sugayaa xukuumada cusub inay howlo dheeraad ah ku sii darto oo ay horay uga sii wado” ayuu yiri madaxweynaha oo shacabka ka codsaday inay taageero u muujiyaan xukuumada cusub, si la mid ah sidii ay u taageereen xukuumadii hore.

Hoos Ka Dhageyso Xilwareejintii uu sameeyey Raisulwasaarihii hore ee DFS Raisulwasaare Saacid

Garad Salad Hersi
Senior Press officer,
PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online