R/W Saacid Go,aan kasta oo Baarlamaanka gaaro anigoo ka maqan waa mid malo awaal ah .

December 1, 2013 - Written by Editor

saacidMuqdisho:-Raisulwasaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinka ka dhanka ah xukuumadiisa waxaana uu ku baaqay in la siiyo fursad ay xukuumadiisa isku difaacdo.

Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sidoo kale ka hadlay mooshinka laga keenay xukuumadiisa wuxuuna ku tilmaamay  mid ay ka maqan tahay xog-ogaalnimo rasmi ah wuxuuna sheegay wixii go,aan ah ee ka soo baxa Baarlamaanka DFS in uu yahay mid mala awaal ah.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ra’iisul wasaare Saacid: “Xukuumaddu waxay ku adkaysanaysaa in la siiyo fursad ay isku Difaacdo”
Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah.

Hadaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.

Dhamaad-

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online