Sarkaal ka tirsanaa maamulka KMG Jubba oo lagu dilay Kismaayo
December 12, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Kismaayo Col.Cabdi Haybaan oo lagu naanayso( Cabdi Madoobe)kana mid ah jiray Saraakiisha laga yaqaan Gobollada Jubooyinka iyo Gedo , Sarkaal kaan la dilay ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Maamulka KMG ee Jubba ee uu madaxweynaha u yahay Sh.Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Col.Cabdi Haybaan (Cabdi Madoobe) ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii hogaaminaysay ciidankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee tababarka lagu soo siiyey Siyeelow, Sarkaalkaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha dhinac aqoonta ciidanka leh. Col.Cabdi Haybaan (Cabdi Madoobe) ayaa waxaa la sheegayaa in uu dilay wiil da’yar waxaan uu ku toogtay gurigiisa hortiisa.
Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalin ka hor lagu dilay Kismaayo Sarkaal ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee Maamulka KMG ee Jubba.Goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidan ka tirsan maamulka KMG ee Jubba.
ilaa hadda ma jirto cid sheegtay dilka Col.Cabdi Haybaan ( Cabdi Madoobe) iyo wax war ah oo ka soo baxay ilaa hadda Madaxda maamulka KMG ee Jubba.
A/cawaale
Halgan.net