Sh Axmd Cabdisamed oo booqday Jaamacadda bariga Afrika ee Buuhoodle (Masawiro)
December 7, 2013 - Written by Editor![DSC01258](https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2013/12/DSC01258-300x225.jpg)
Xarunta Jaamacadda ee dhowaan loo dhisay oo kutaala galbeedka magaalada Buuhoodle ayaa waxaa kusoo dhoweeyey hormuudka Jaamacadda bariga Afrika ee Buuhoodle Dr Cabdishaafi Axmed Cali, & macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda Buuhoodle ee bariga Afrika.
Waftiga Shiikh Axmed Cabdisamed oo ay kamid ahaayeen, Sh Axmed Maxamed Saleebaan, iyo Sh Maxamuud Salaad, sidoo kale waxaa gelbinayey culimada waaweyn ee Buuhoodle oo ay kamid yihiin gudoomiyaha Dawacda ee goboka Cayn Sh Cabdicasiis Ismaaciil Garaad Soofe, Sh Mukhtaar Axmed X Faarax, Sh Mubaarig Sh Xuseen Sugele, Sh Axmed Sh Cumar, & Culimada kale ee caanka ka ah deegaanka Buuhoodle, Waxayna culimadu hadal dheer u jeediyeen ardayda dhigata Jaamacadda gaar ahaan kuliyadda shareecadda & daraasaadka Islaamiga ah.
Sh Axmed Cabdisamed oo khudbad dheer ujeediyey Ardayda ayaa kula dardaarmay inay dacwada gaarsiiyaan dhulka fog ee gobolka Cayn, “Waxaa la iisheegay in Buuhoodle ay jiraan 50 tuulo iyo degmooyin oo hoos yimaada , hala isu diyaariyo sidii dacwada loo wada gaarsiin lahaa dhulka oodhan,” ayuu yiri Sh Axmed Cabdisamed.
no images were found
Qaar kamid ah ardayda oo su’aalo waydiiyey Shiikha ayaa wax ka waydiiyey Jameecadda Ictisaam & hawlaheeddu halka ay marayaan, Shiikhu wuxuu sheegay in Jameecadu guulo badan dhanka Dacwada ka gaartey Islamarkaana la qorshaynayo in aduunka oo dhan lagaarsiiyo Dacwada.
Gaba-badadii Ardayda ayaa ka mahadceliyey booqashada Sh Axmed Cabdisamed iyagoo ka dalbaday inuu socdaalkiisa uusan ku ekaan midkan Islamarkaana uu kusoo laalaabto deegaanka wakhtiyo badan.Halgan.net
Buuhoodle
Buuhoodle