Sh Axmed Cabdisamad oo muxaadaro u jeediyey Gabdhaha reer Buuhoodle[Masawiro]

December 6, 2013 - Written by Editor

DSC01235Buuhoodle:-Iyadoo magaalada Buuhoodle ay booqasho ku tageen Wafti culimo ah oo uu hogaaminayo Sh. Axmed Cabdisamed Cabdulle ayaa waxaa uu muxaadaro gaar ah u jeediyey gabdhaha wax kabarta goobaha waxbarashada ee Buuhoodle. Ardayda gabdhaha ah ee ay muxaadirada u qabteen culimadu ayaa dhigta, Machadka Umusalama, Machadka Sare ee Al-furqaan, Sunna, Khadiija, Abubakar,& Kuliyadda Shareecadda ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceedda Buuhoodle.

Culimada ayaa ardayda uga digey waxyaabaha dadka fasahaadinaya,& dadka wax aan diin ahayn ku fadwooda ee khal-khalinaya diinta Islaamka kuwaas oo ay sheegeen inay fasiraad & ficilo khaldan ka bixiyaan diinta Islaamka.Gabdhaha wax kabarta Buuhoodle ee hoos yimaada waxbarashada Dacwada ee Jaamacadda ayaa u mahad celiyey waftiga soo booqday ee uu hogaaminayo Shiikh.Axmed Cabdisamed kuwaas oo muxaadirada u qabtay.

no images were found

Ardayda ayaa culimada ka codsaday inay ku badiyaan socdaalka noocan ah si ay uga faa’idaystaan cilmiga ay xambaarsan yihiin Culimada waaweyn ee Soomaaliyeed. Isku soo wada duub oo culimada booqanaya Buuhoodle ayaa booqasho tan la mid ah ku tegi doona Machadka Sare ee Al-furqaan, & Jaamacadda Bariga Afrika halkaas oo khudbado dheer ay ka jeedin doonaan.

Buuhoodle, Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online