Sh Axmed Cabdisamed oo booqday xarumo kala duwan ee waxbarashada iyo Dacwada Buuhoodle

December 7, 2013 - Written by Editor

DSC01307Buuhoodle:-Iyadoo dhowaan Sh Axmed Cabdisamed Cabdille uu booqday xarumo kala duwan oo waxbarashada Dacwada ee Buuhoodle ayuu kulan dheer la qaatay Ardayda waxka barata Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle.

Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle oo ay waxkabartaan qaybtiisa dugsiga sare inkabadan 200 oo arday isuguna jira wiilal & gabdho ayaa ah xarunta ugu muhiimsan ee waxbarashada dacwadu gacanta ku haysto ee Buuhoodle.

Sh  Axmed Cabdisamed ayaa soo dhoweyn balaaran kala kulmay ardayda, Macalimiinta & maamulka Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle isagoo muxaadiro dheer oo qaadatay saacado badan ujeediyey ardayda xili ay fadhiyeen barxadda wayn ee Machadka dhexiisa oo ardaydu saftaan xiliga Daabuurka.

Muxaadiradda Sheekha ayaa ka hadlaysey faafinta dacdwada, ka hortaga waxyaabaha ay dadka qaarkiis ku fasahaadiyaan caqiidada suuban & in bulshada meel walba dacwada loogu geeyo lana dardargeliyo hawlaha Dawacda.

no images were found

Ardayda dhigata Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle ayaa Su’aalo waydiiyey Sh Axmed Cabdisamed, isagoo dhamaan su’aalihii la weydiiyey si waafiya uga jawaabey.

Ugu danbayntii kulankan ayaa kamid ahaa kulamo uu goobaha muhimka ah ee waxbarashada Buuhoodle uu ku tagay Sh Axmed Cabdisamed iyo wafti uu hogaaminayo oo dhowaan yimid Buuhoodle.

Si kastaba ha ahaatee ardayda dhigata Machadka, Al-furqaan Buuhoodle, maamulka & macalimiinta ayaa siweyn ugu mahadceliyey Sh Axmed Cabdisamed iyagoo ugu baaqay inuu badiyo booqashooyinkiisa noocan ah

Halgan.net
Buuhoodle

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online