Sh. Axmed C/samad oo Dr. Faysal ugu hambalyeeyay darajada PHD ee uu qaatay

December 12, 2013 - Written by Editor

NiqaashBoosaaso:-Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca golaha fulinta Jamaacada Al-ictisaam iyo magaca bahda macaahida sharciga waxaan halkaan tahniyad iyo bogaadin uga diraynaa Dr. Faysal oo maanta soo gabagabeeyey mishwaarkii dheeraa ee diraasada xadiiska iyo culuumtiisa ee uu ka wadey jaamacada Madiina ee islaamiga ah, uuna ka qaatay darajada cilmiga ah ee Diktooraah.

Waxaan leenahay tahniyad iyo raynrayn waarta, Ilaahayna cilmigaaga haka dhigo mid naafic ah oo adiga iyo ummaddaba anfaca. Dr. Faysal wuxuu ka mid ahaa raggii dadaalka weyn ku bixiyey sidii dhalinyarada looga badbaadin lahaa afkaarta bidcaynta iyo jamaaca diidka ee dalkeena soo gashay, guulo waaweyna way ka gaareen, haddana waxaa laga rajeynayaa inay ka mid noqdaan isaga iyo asxaabtiisu arkaanta dacwada iyo tacliinta sharciga ah ee dalkeena, ayna qayb weyn ka qaataan midaynta iyo walaalaynta dhalinyarada dacwada ee qaylada lagu dhex tuuray.

Waxaa isna duruus cilmi ah ka wada magaalooyinka Burco iyo Laascaanood Dr. Xasan Sh. Cali  Warsame oo ay asxaab ahaayeen Dr. Faysal, wax weyna ku soo kordhiyey deegaanadaas. Waxaa iyana farxad kale ah rag badan oo darajada Diktooraah ka qaatay jaamacada madiina inay dalka kusoo noqdeen, kuwana hadda ku soo jeedaan, waxaana ka mid ah:

1- Dr. C/laahi yare

2- Dr. Aadan Sh. Cali

3- Dr. Maxamed Xasan

4- Dr. C/casiis Cali Axmed

5- Dr. C/xayi

6- Dr. Haaruun Sheekh iyo kuwo kale

Dhamaantood waxaan leenahay gacmo iyo quluub furan kusoo dhawaada

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Boosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online