Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Gobolka Shabeellada Hoose

December 17, 2013 - Written by Editor

sh-bashir-a-saladMuqdisho:-Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu baaq u diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya Gobolka Shabeellada Hoose isagoo ugu baaqay in Alle u soo laabtaan oo ay joojiyaan dagaalka  si shuruud la’aan ah. Sheekh Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in wax dalka Soomaaliya uu u lumay una burburay jirtaankii dowladdnimo ay tahay dagaalo sokeeyo iyo beelo walaalaha oo dhexdooda ka dagaalama kuana baaba’aan dhalinyaro iyo waxgarad aan wax danbi ah lahayn.

Sh Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay in dagaalka sokeeye ee ka socda Gobolka Shabeellada Hoose laga qayb qaato ama la taageero isagoo uga digay odayaasha in ay colaada sii horiyaan taas oo dhalinkarta in colaada sii baahdo dhibkuna sii bato .

Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay cid walba oo joojin karta dagaalka in ay joojiyaan gaar ahaan dowladda Federaalka Soomaaliya si shacabku ay ugu kalsoonaadaan. Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaali ay ka dhaxleen dagaaladii sokeeyey ee socday 23 sano burbur iyo dhiig muslin oo la daadiyo waan arrinka Soomaali ay ku kasbadeen ciqaab Alle.

Ugu danbayntii ayaa Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed Salaad waxaa uu ku baaqay in dadka laga wacyi geliyo dagaalada sokeeyo  iyo nidaamka Federaalka oo beelaha qaar ay u fahmeen in beelwalba degaanka ay joogto ay ku noqonayso Federaal arrinkaas oo jahwareer abuuray.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online