Shacabka iyo maamulka Jubba oo $100.300 dollar soo gaarsiiyey Guddiga gurmadka.[Dhagayso]

December 6, 2013 - Written by Editor

shmaxamuudGaroowe:-Shacabka iyo ganacsatada ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo oo ay weheliyaan Maamulka Jubba ayaa gurmad balaaran u fidiyey dadkii wax ku noqday duufaandii dhowaan ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland waxaana ay ugu deeqeen walaalahood lacag dhan $100.300 dollar. Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah guddiga gurmadka masiibada ee Puntland ayaa sheegay in gudiga la soo gaarsiiyey lacag dhan (Boqol kun iyo saddex boqol oo dollar) $100.300 dollar, taas ka timid shacabka iyo Maamulka Jubba waxaana u uga mahad celiyey sida wanaagsan oo ay walaalahood ugu soo gurmadeen.

Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa maanta shir jaraa’id qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in lacagta ay soo direen shacabka iyo Maamulka Jubooyinka  ay soo gaartay xoolo noolna  loogu iibin doono dadweynihii ay ka bakhtiyeen xoolaha.

Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in howlaha gurmadka ah ay weli ka socdaan guud ahaan meelaha ay duufanada ku dhufteen haatan la galay wajiga labaad ee gurmadka kaas oo ah in xoolo loo iibsho dadkii ku ceyrtoobay duufaanadii o3A.

no images were found

Culumada iyo gudiga Gurmadka ayaa mahad balaaran u celiyey Maamulka Jubba waxayna u duceeyeen dhamaan shabka Jubbooyinka iyo Gedo iyaga oo alle uga baryey deeqda ay soo dhiibeen mid ka khayr badan alle ugu badalo. Sh Axmed Yuusuf Daad  ayaa sidoo kale ka hadlay shirka jaraa,id wuxuuna  alle uga baryey in kheyr badan siiyo dhamaan dadkii soo dhiibay deeqda ka timid Maamulka iyo Shacabka ku dhaqan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Cabdiqani Yuusuf Cadde oo ah Wasiirka deegaanka iyo duurjoogta Puntland ayaa isna u mahad celiyey Maamulka Jubba wuxuuna sheegay in ay aad ugu farxeen gurmadkii ugu badnaa ee ka yimid gudaha Soomaaliya in uu noqday gobalka Jubooyinka iyo Gedo wuxuuna mahad gaara u jeediyey madaxda Maamulka Jubba .

Shir jaraa’id Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo lacag deeq ah ka gudoomay maamulka Jubba iyo shacabka Gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo


M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*