Sh Mustafe Xaji iyo culumo kale oo gaaray magaalada Boorame(Masawiro+Cod)

December 13, 2013 - Written by Editor

DSCF0382_2Boorame:-Sheekh Mustafe Xaji Ismaail ayaa socdaal dacwadeed waxaa uu ku yimid magaalada Boorame waxaana socdaalkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan Mu,asasada Al-Karam

Sheekh Mustafe Xaji Ismail iyo wafdiga culumada ee la socda ayaa waxay booqasho ku tageen Machadka Zeyla ee Culuumta Shariga lagu barto waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka iyo Macalimiinta Machadka Zeyla ee magaalada Boorame

Sheekh Mustafe xaaji Ismail ayaa kalimad qiimo leh u jeediyey ardayda dhigata Machadka Zeylac oo aad u tiro badan wuxuuna si gaar ahna ula dardaarmay arday ka qalan jabisay Machadka wuxuuna ku waaniyey in ay u istaagaan faafinta dacwada Islaamka iyo manhajka Salafu Saalix.

Waxaa sidoo kale ardayda Kalimad qiimo leh u jeediyey soo dhaweyn ka dib culumada Sheekhu faadil Sheekh Xasan Khayre Dirir oo ah Maamulka machadka Zeylac ee barashada Shareecada Islaamka iyo Luqada Carabiga.

Sheekhu faadil Sheekh Xasan Khayre Dirir  ayaa u mahad celiyey culumada socdaalka dacwo ku yimid magaalada Boorame iyo Mu,asasada Al-Karam ee ku howlan faafinta Dacawada .

Sheekh Mustafe Xaji ayaa muxaadaro ka jeediyey garoonka  wayn  ee  hanuuninta   waxaana soo buuxdhaafiyey dadweyne aad u tiro badan waxaana muxaadarada uu cinwaankeeda ahaa (Raadka Iimaanku uu ku leeyahay qofka Muslinka ah )

Sheekh Mustafe Xaaji Ismail ayaa waxaa kale oo uu muxaadaro ka jeediyey Masjidka weyne ee Abu Hureyra ee magaalada Boorama wuxuuna sheekhu ka hadlay (Guusha Nolasha) wuxuuna sheekha aad ugu dheeraaday nolsha wanaagsan ee alle ugu deeqay qofka muslinka ah ee rabigiis ku xiran

no images were found

Dhalinyarada  ururka  badbaado   ayaa si weyn u soo dhaweeyey wafdiga culumada iyo xubna  Mu,asasada Al-Karam ee gaaray magaalada Boorame

Wafdiga Culumada ee gaaray magaalada Boorame waxaa socdaalkooda dacwo ku weheliyey

1-Sheekh Maxamed Xusen Cali Gudoomiye ku xigeenka Mu,asasada Al-Karam
2-Sheekh Almis Sheekh Ibraahim
3-Naasir Cali Barkhad xoghayaha  guud  ee  mu,asasada  Al-Karam.


Halgan.net
Boorame

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online