Shir sanadeedkii 4aad ee jaaliyada Soomaaliyeed oo ka furmay Sout Afrika(Masawiro)
December 30, 2013 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaa si habsami leh uga socda dalka Sout Afrika Mutamar Islaami ah kaas oo ay qabsadaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas waana mutamarkii 4aad.
Mutamarka ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ha,yda Al-Bayaan waxaana ka soo qeyb galay culumada kala ah.
1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Sheekh Cali Wajis
3-Sheekh Cabdiraxiim C/laahi Abu Cayneyn
4-Sheekh Dr Aden Sheekh Cali Saalax
5-Sheekh Dr Cabdiweli Xaji Maxamed Yuusuf
6-Sheekh C/laahi Ibraahim
7-Sheekh C/rashiid Baaxeer
no images were found
Mutamarka sanadkan ayaa waxaa cinwaankiisa uu ahaa (قال تعالى: {إنَّ هذه أمتكم أمة واحدة وأنا ربكم فاعبدون}. waxaana ay culumada ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan oo dhamaantood umada Soomaaliyeed ku boorinaya Midnimada iyo dhibaatada ay leedahay tafaraaruqa iyo kala taga.
Mutamarka 4aad ee jaaliyada Soomaaliyeed ee sout Afrika ayaa sidoo kale Musasada Al-Bayaan waxay xaflad balaaran u qabatay ardayda dugsiyada johannesburg kuwaas oo ay culumada gudoonsiiyeen abaalmarino kala duwan.
no images were found
Culumada ka qeybgaleysa Mutamarka 4aad ee jaaliyada Soomaaliyeed ee SoutAfrika ayaa sidoo kale socdaal dacwo oo kala duwan waxay ku tageen magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida si ay u wacyi galiyaan ugana jawaabaan su,aalaha diiniga ah ee ay u ooman yihiin
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta dhamaan masawirada iyo muxaadaraadka ay culumada ka jeediyeen Sout Afrika hadii alle idmo .
Halgan.net
Musasada Al-Bayaan