Shirkii 3aad ee raabidada culimada Muslimiinta galinkii danbe ee maanta (Warbixin)

December 20, 2013 - Written by Editor

14Istanbul:-Kulan raabadida culimada muslimiinta ayaa galabta waxaa lagu qaadaa dhigay qaar ka mid ah muqaallada halista ah ee muslimiinta haysta, wareeggii hore waxaa laga hadlay kacdoonnada ka soo horjeeda kacaanka shucuubta dowladihii kacdoonnadu ka dhecee, Qoraalka 1aad waxaa soo gudbiyay Sheekh Maxamad Yusri oo ka mid ah  culimada waaweyn ee dalka Masar, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay inqilaaabkii ka dhacay Masar ee lagu riday madaxweyne Maxamad Mursi, wuxuu ka hadlay asbaabta keentay inqilaabka, aaladaha loo adeegsaday iyo natiijada lafili karo inuu ku dhamman doono, gabagabadiina wuxuu sheegay in sida wax u socdaan ay muujineyso in inqilaabku fashilmi doono.

Kadibna waxaa qoraala soo bandhigay Sheekh Cabdul Wahaab Al-Xumeyqaani oo ka mid ah culimada Yemen, wuxuuna si fiican uga hadlay kacdoonkii Yemen iyo heshiiskii ay dowladaha khaliijku soo bandhigeen , wuxuuna sheegay in xaaladda daganaasho ee Yeman ay halis badan ku jirto, Sheekha ayaa tibaaxay  in fara galint shisheeye iyo dagaalka xuutiyiintu ay kuwii soo  murginaya xaaladda dalka Yemen.

Wareeggii 2aadna waxaa la falanqeeyay islamiyuuntu sida ay uga howl galeen waddamada kacdoonnadu ka dheceen, warqaddii 1ad waxaa soo jeediyay Sheekh Maxamad Al-Cabdah oo ka mid ah culimada Suuriya wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay kooxaha suuriya ka jihaada ee ku midoobay jabhadda islaamiga ah wuxuuna sheegay inay aheyd tallaabo muhiim ah guulo badanna soo hoysay .

Qoraalka 2aad waxaa soo qaddimay Dr. Khaalid Saqar oo ka mid ah culimada Masar, wuxuuna qiimayn fiican ka bixiyay , qaabka ay wax u maareeyeen islaamiyiintu kacdoonkii Masar ka dib, wuxuu ka hadlay Jamaacada Al-ikhwaan Al-Muslimuun , iyo qaybaha salafiyiinta wuxuuna sheegay in wax badan la khalday wax badan oo wanagsanna la qabtay.

Sheekh Maxamad Al-caamiri ayaa warqaddii 3aad soo gudbiyay wuxuuna ka hadlay sida ay islamiyiintu Yemen wax u maareeyeen wuxuu ka hadlay xisbiga islaax iyo xisbiga rashaad wuxuuna tilmaamay murugga siyaasadeed ee ka jira Yemen  iyo siyaabaha loo Furdaamin karo wax ka mid ah.

Qoraalkii ugu danbeeyay waxaa soo bandhihay Sheekh Qayth Al Faakhiri oo ah ku xigeenka  Muftiga liibiya wuxuuna ka hadlay heerarkii uu  soo maray kacdoonkii lagu riday Mucamar Al-Qadaafi wuxuu sheegay in ay jiraan khaladaad ay isaamiyiintu sameeyeen loona baahanyahay in laga waantoobo.Maalinta Birito ah ayaa waxaa halkaas ka sii socon doona Shirkii 3aad ee raabidada culimada Muslimiinta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiya.

Halgan.net
Istanbul
Turkiya
Xuquuqda Masawirada Raabida

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online