Shirkii 3aad ee raabidada culimada Muslimiinta oo ka furmay magaalada Istanbul

December 20, 2013 - Written by Editor

20131220_083808Istanbul:-Saaka 8:30 waxaa magaalada istanbuul ee dalka turkiya ka furmay shirweynihii 3aad ee raabidada culimada muslimiinta,shirkan oo lag lafo gurayo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha muslimiinta haysta ee looga samata bixi lahaa halisaha hortaagan, waxaa aayado qu,aan ah ku furay sheekh caqiil al maqdari oo ka mid ah culimada ka timid dalka Yemen.

Ka dib waxaa madasha ka hadlay Sheekh Cabdurraxmaan Al Maxmuud oo ah ku xigeenka madaxa raabidada kana mid ah culimada waaweyn ee sucuudiga wuxuuna ka hadlay in loo baahanyahay in diinta lagu saleeyo dhammaanba waxyaabaha la doonayo in ay muslimiintu iskaga caabbiyaan dhibaatooyinka lagu hayo,sidoo kale wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in mashaakilka waaweyn ee dhacaya ayna sabab u noqonin in la inxiraafo ama waddada saxan laga leexdo.

Waxaa isna xafladdii furitaanka ka hadlay ku xigeenka labaad Sheekh Maxamad Al Nawawi oo ka mid ah culimada waaweyn ee moritaaniya,wuxuuna sheegay in lagu kalsoonaado yabooha ilaahay ee ah in xaqu guuleysan doono,si guushaas loo helana in loo baahan yahay in ehel loo noqdo oo ikhlaas iyo camal wanaagsan lala yimaaddo.

Ka dib waxaa xafladda ka hadlay xoghayaha guud ee raabidada Sheekh Naasir Al-Cumar oo ka mid ah culimada waaweyn ee sucuudiga wuxuuna u mahad celiyay dhammaanba dadkii sababka u noqday qabsoonka shirka iyo inta ka soo qayb gashayba wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Turkiya oo sahashay in shirkani qabsoomo,wuxuuna sheekhu sheegay in baahi weyn loo qabo shirarka noocan oo kale ah culimadana laga doonayo inay iftiimiyaan wixii cilmi u baahan.

Xafladdii furitaanka ka dib waxaa si toos ah loo galay ajandayaashii shirka waxaana wareeggii koobaad ka hadlay Sheekh axmad maxamad jidduu oo soo bandhigay qoraal ka hadlaya mafhuumka wax iska caabbinta iyo maraatibtiisa,sidoo kale waxaa isna ka hadlay Sheekh safaa Al dawi oo soo bandhigay qoraal ku saabsan sida quraanka iyo sunnadu uga hadleen wax iska caabbinta,warqad kale oo ku saabsan maqaasidda ( ujeeddooyinka) wax iska caabbinta ayaa waxaa iyana soo jeediyay Sheekh Maxamad rajab oo ka mid ah culimada Masar,ka dibna ka soo qaybgalaasha shirka ayaa aragtiyo ka dhiibtay qoraalladii culimadu soo bandhigeen.

Wareeggii labaad ee maanta waxaa oo ku saabsanaa isu soo dhowaanshaha eeraan iyo reer galbeedka waxaa qoraal dheer ka soo bandhigay Sheekh Hishaam Barqash oo ka mid ah culimada Masar,ka dibna ka soo qayb galaysaaha ayaa ka dooday qoraalkaas kulankii galinkii hore ee maantana intaas ayuu ku soo dhammaaday waxaana loo ballansanyahay in kulanka labaad la isugu soo noqdo galabta 3:30 inshaa allaah si loo sii anbaqaado ajandayaasha kale ee shirka.

Halgan.net
Istanbul
Turkiya

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online