Siyaasadda Soomaalida see wax ka yihiin? W/Q Abdinasir Ahmed Aden(Garweyne)
December 6, 2013 - Written by EditorBal aan marka hore idinla wadaago qisadaan aan uga gol leeyahay bal inaad fahamtaan ujeedkayga. Qisadiina waa tan:
Waxaa jiray nin oday ah oo la oran jiray Mooge. Mooge Wuxuu Lahaa Dukaan, mase aqoon sida wax loo qoro ama loo akhriyo sidaa darteed Wuxuu damcay inuu wax akhriyo, markaas ayuu akhrin karinwaayay illeen ma uusan baran sida wax loo akhriyee, hadaba odaygii Wuxuu ku fakaray qaab kale oo uu Wax ku akhrin karo.
Odaygii Wuxuu yiri” Allaylehe, waxaa i haysta oo aan wax u akhrin la’ahay haddaan gartay oo waa ookiyaale(muraayada indhaha) la’aan marka waa inaan soo iibsadaa si aan awood ugu yeesho inaan wax akhriyo”
Oday Mooge Wuxuu u malaynayaa inuu hadda xalkii helay oo cillada haysataa ay tahay ookiyaale la’aan, bal aan aragno inay wax xalliso.
Oday Mooge oo yimid Dukaankii Muraayadda indhaha.
Oday Mooge: Dukaanlow adeer bal muraayaddaas ii dhiib.
Dukaanle: Hoo adeer.
Oday Mooge:waad mahadsan tahay.
Oday Mooge Wuxuu isku eegayaa ookiyaalihii isagoo raba bal inuu wax akhriyo,Wuxuu la soo baxay Waraaq bal inuu iskudayo si uu u akhriyo,laakiin xabad ba waa ka fahmi waayay oo waxay ku noqotay mad madoobe Allaa ku yaqaan.
Oday Mooge Wuxuu is yiri ookiyaalahaan ma fiicnee bal mid kale ku fiiri, isagoo wali aaminsan in ciladu tahay ookiyaalka, Wuu celiyay Kii hore oo hadana Dukaan lihi ayuu mid kale ii soo qabo yiri.
Dukaanle: Hoo bal kan Isku eeg.
Oday Mooge Kii labaad ayuu Isku eegay mise wali waxba kama garanayo, laakiin markuu dhowr jeer ku celceliyay, dukaanluhuna arkay inuusan odaygu tagayn oo uu mid walba kusoo celinayo ayuu yiri adeer see wax u jiraan?
Oday Mooge: Adeerow sida wax loo akhriyo ayaanan aqoon marka muraayadaha akhriska sahla ayaan rabay.
Dukaanle: Oo adeer horay ma u baratay akhriska?
Oday Mooge: Adeer see u bartaa waligayba maanta ka hor Muraayado ma xirane?
Dukaanle: Adeer waa la bartaa oo school ayaa loo aadaa, muraayaduhuna araga ayay sahlaan ama waa lagu xarragoodaa.
Oday Mooge: Haa oo adeer ma waxaad leedahay intaadan wax akhrin ka hor baro sida loo akhriyo?
Dukaanle: Haa adeer waa inaad aaddaa dugsiyada looga hortago Akhris/qorid la’aanta.
Oday Mooge, hadda Wuxuu ogaaday inuu toobiye khaldan ku socday oo uusan marin waddadii saxda ahayd, hadaba Wuxuu tagay Iskuul wuxuuna si deg deg ah ku bartay sida waxna loo qoro waxna loo akhriyo.
Hadaba, madaxda Soomaalida sida ninkaas odagaa uu xalka uga raadiyay meel khaldan ayay iyagun xalka ugu wareersan yihiin. Maxaa khaldan? Ma qof baa khaldan? Ma koox baa khaldan? Mise syste-Kii ayaa khaldan?
Haddaad dib ugu noqoto ka soo bilow dawladdii Carta ee C/Qaasim Salaad Xasan, tii C/llahi Yuusuf Axmed, tii Shariif ka iyo tan Maanta joogtaba waxaa ka dhacay is qab qabsi siyaasadeed, hadaba tan maanta ha inoo dambeysee, kuwii hore in shakhsi la badalo xal ma noqotay? Khaladkase ma qofka la badalay baa lahaa, mise qofkii haray?
Maxaa isaga eg oday Mooge iyo madaxda Soomaalida, oo waliba oday Mooge khaladkiisii waa qaatay marki loo sheegaye, madaxda Soomaalidu ma wax wax usheega ayay waayeen, mise waa loo sheegaye waysan qaadanayn? Mase Cidda la talisa ayaa si khaldan wax ugu sheegta? Siyaasadoodu soo uma eka in waxani jilitaan Filim ama Riwaayad yahay oo la yiri waxaa khasab ah in isku si loo Jilo, Kaliya waxaa shardi ah in Jilaagu kala duwanaado. Hadaba Filimka caynkaas ah yaa xiiso u qaba soo maaha Kii aan dhowr jeer oo hore daawanay, marka maxaa siyaasadaas si ka ah oo ka khaldan?
Hadaba su’aasha jawaab teeda waxaan udaayay dadka Soomaaliyeed, aanse talo usoo jeediyo madaxda, Shacabka iyo Ururka arxanka daran ee Ashabaab.
Taladayda Shacabka Soomaaliyeed
Shacabka Soomaaliyeedow, Ilaahay aan ka cabsano, muddo 23 Sano ah wax system ah oo noo shaqeeya ma jiraan, wadankeenii waxna innagaa gacanteena ku burburinay, waxna cadowgeena iyo dabcan musiibo Rabbaniya. Allaah Qur’aanka Wuxuu noogu sheegay inaan Ilaahay qolo xaalkooda badalin Illaa ay Iska badalayaan. Dan ma noo tahay inaan isbadalno oo aan Ilaahay u toobad keeno? Dan ma noo tahay inaan walaal nimada dhexdeena Ilaalino? Dan ma noo tahay inaan Iska dayno qabiilkaan na dishay oo sababay in qaar wadanka lagu laayo, qaar badana ku dhintaan badana,qaarna Lagu adoonsado Suudaan iyo Liibiya baadiyahooda? Waxaan eedaynay shisheeyaa saan noo galay,see shisheeye kuu daynayaa adaaba is dilayee(ri’ walba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa). Innagaa wax Kasta Isu gaysannee aan is badal la nimaano,oo mar kale dambi baan Ilaahay ka galnaye aan usoo noqono. Walaal qofka Soomaaligaa waa sokeeye ee shisheeye maahane ee aan midnimadii raadinno.
See macquul u tahay inaan sida aan maanta nahay aan ahaanno iyadoo aqoonta Diinta iyo tan maaddigaba aan ka hor marsan nahay maanta xilliyadii la soo maray? Soo arinku markaa ma noqonayo in dadkeenii hore ay naga fiicnaayeen,naga tayo badnaayeen,naga daacadsanaayeen? Waxaa marka Walaal nagu haboon inaan taas wax ka badalno oo aan soo Celino dhaqankii wanaagsanaa ee Soomaali lagu amaani jiray. Aan taageerno Wixii Ilaahay nagu ogyahay oo wanaagsan ee yaynaan taageerin qabyaalad iyo waxaan dan noogu jirin.
Talada ku wajahan Madaxda
Hoggaamiyow Ilaahay ka cabso soo kutub gacanta uma aadan Saarin inaad daacad noqonayso? Soo ma ogid inaad Ilaahay hor istaagi doonto oo wax lagaa weydiin doono dadkii aad madaxda u ahayd? Soo xaq kuuguma leh inaad u cadaalad samayso? Soo ma ogid in Cumar Ibnu Khadaab markuu ahaa Amiirka uu yiri” hadii daabad ku kufto wadada waxaan ka cabsanayaa in Ilaahay iweydiiyo Sababta aan wadada ugu hagaajin waayay”.
Mudane hanka saas u sarreeya ayaa lagaa rabaa, in Lagu dhaliilo waa caadi ee haddii lagu dhaliilo qaado wixii aad leedahay tawaaducna la imow waa dhaqanka dadka wanaagsane.
Hoggaamiye mar kale ayaan ku leeyahay Ilaahay ka cabso oo dantaada iyo wax laga soo tagay ha fiirsane danta guud ka fakar, inaad dhiman doonto oo aad Ilaahay hor tagayso ka fakar, in taariikhdu ku qori doonto ka fakar.
Taladayda Ashabaab.
Dulmi badan baad gaysateen, Ilaahayna dulmiga waa ka xarrimay naftiisa, adinkana waad aragtaan oo wuu idinku soo noqday dulmigii, oo wa adinka ay hoostiinna ka curatay oo Gaal iyo Muslim ba isku si idiin arkeen,war niman yohow Ilaahay ka cabsada oo soo toobad keena oo is daba qabta, markaas Wixii sharcigu idinku xukumo u hogaansama.
In badan ayaa culumaa’uddiin naseexeeyeen waad diiddeen haddase xeeradii salkeedii baad soo taabateen,ogaada inaysan arrintu sidaad u xisaabiseen ahaanayn waayo daalimka Ilaahay Wuu qabtaa haddana malaha ma iinan garane qabashadii ayaa idinku socota ee intay goori goor tahay toobad keena oo qirta dambiga aad Soomaali ka gasheen illeen maanta waa adduunyo, hadde waa haddaad tihiin dad Muslim ah oo arrin si khaldan isu tusay, haddii kaloo aad Islaanimadiinnii beec gayseenna waa arrin kale.
Qoraalkan waa mid aan loogu dan lahayn qolo iyo qof Khaasa, waase mid ay iga tahay amuu ra’yigaan wax taraa, hadii wax khalada ku jirana waan soo dhawaynayaa cid Kasta oo saxaysa.
Waxaa Qoray: Abdinasir Ahmed Aden(Garweyne)