Madaxtooyada Puntland oo beenisay in la weeraray gaariga Musharax Yey (Dhageyso)
December 22, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Col.Cumar C/llaahi Faraweyn oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay in rasaastii lagu furay maanta gaariga uu la socday musharax Cabdi Daahir Yeey ay ahayd dhacdo si kadis ah ku dhacday.
Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Col.Cumar C/laahi ayaa sheegay in ciidanku ay damceen in ay joojiyaan gaariga musharax oo ku socday si xawli ah ka dibna ay hal xabad ay ku rideen dariishadna ka mid ah gaarigana ay wax gaareen ayna samayn doonaan.
Taliyaha ciidanka Madaxtooyada dowladda Puntland Col.Cumar C/laahi ayaa sheegay in ay dhacdadaas ay raali gelin ka bixinayaan loona baahan yahay in musharax Cabdi Daahir Yeey uusan arrinku siyaasadayn wax loo weerarona aysan jirin.
Taliyaha ciidanka Madaxtooyada dowladda Puntland Col.Cumar C/llaahi ayaa ka digay in la abuuro wax aan jirin ciidankuna ay howshoodu wataan sababtuna ay tahay in ay jiraan kooxo doonaya in dalka ay ka geystaan qaraxyo iyo dilal cadawna ku ah dalka iyo dadka reer Puntland.
Hoos Ka Dhagayso waraysiga Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Col.Cumar Cabdillaahi
M_M Deeq
Halgan.net