Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen Saciid Dheere oo Shirjaraa,id ku qabtay Garoowe

December 25, 2013 - Written by Editor

jen_SaciidGaroowe:-Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid dheere) ahna taliyaha howl-galka xiliga doorashada Puntland ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalaa Garoowe ee xarunta Puntland

Gen Saciid Dheere Taliyaha guud ee ciidamada Puntland ahna ahna taliyaha howl-galka xiliga doorashada Puntland ayaa waxaa uu ka waramay amaanka guud ee Puntland iyo weerardii lagu qaaday qaar ka mid ah Musharaxiinta Puntland gaar ahaan musharax Cali Xaji iyo Musharax Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey.

Jen Saciid Dheere ayaa sheegay in  gebo gebo marayo baaritaano ay ku sameeyeen weerar lagu qaaday Musharax Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey xili uu gaarigiisa marayey agagaarka xaruunta UNDP ee Garoowe wuxuuna sheegay in natiijada ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid dheere) ahna taliyaha howl-galka xiliga doorashada Puntland ayaa dhanka kale ka hadlay eedeyn ka soo baxday mushrax Cali Xaji Warsame isaga oo sheegay in rasaas ay ciidamada Badda Puntland ay  ku soo rideen ilaaladiisa taas oo uu ku tilmaamay Saciid Dheere mid aan sax ahayn.

Taliyaha xiliga howl-galka ee doorashada Puntland ayaa sheegay in haatan la galay wajigii labaad ee howlgalada lagu sugayo amaanka guud ee Garoowe iyo amniga musharixiinta Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online